Askari ka tirsan Ciidamada Burundi oo maxbuus ahaan ay u hayso Al-shabaab oo farriin u diraya Dowladdiisa


Khamiis, December 22, 2011 (HOL) − Fariinta askariga u dhashay dalka Burundi oo lagu qabtay dagaal Muqdisho ku dhexmaray Xarakada Al-shabaab iyo ciidamada AMISOM bishii Feberaayo ee sannadkan ayaa waxaa lagu soo banadhigay khaanadda Twitter-ka ay ku leedahay Al-shabaab, wuxuuna askariga ku hadlayay afka dalkiisa oo loo yaqaan (Kirundi).

Maxbuuska ayaa wuxuu fariintiisa ku bilaabayaan sida: Halkan waxaan farriin uga dirayaa ehelkeyga, shacabka dalka Burundi iyo dawladdaba. Magaceygu waa NZOBONANTUMYE Therence, xaaskeyga waxaa lagu magacaabaa Mizako Kiristin, waxaan ahay aabaha shan caruur ah, waxaan kasoo jeedaa gobolka Ruyigi gaar ahaan degmada Jisuri.

Dowladda Burundi waxaan u sheegayaa inaan ahay askari Burundi ah oo maxbuus ahaan loogu haysto Soomaaliya, waxaan ka mid ahaa askartii loo diray inay dagaal la galaan Al-shabaab; waxaana la igu qabtay dagaal ka dhacay Muqdisho, tan iyo xilligaas waxaan ku jiraa gacanta Al-Shabaab.

"Inkastoo haatan aan ku jiro xaalad deggen haddana maanta ayaan ugu baahi badanahay caawintiina ee waxba ha igala harina... waxaan jeclahay in aniga oo bad-qaba aan dalkeyga ku laabto oo aan la kulmo dadkeyga," ayuu askarigu ku yiri fariintiisa.

Sidoo kale, askarigu wuxuu codsi u diray taliyaha ciidamada Burundi ee Muqdisho ku sugan, Jen. Niyonhanna Buyuye, isagoo yiri waxaan ka codsanayaa inuu arrintayda wax ka qabto oo Al-shabaab uu kala hadlo sii-deyntayda.

"Dowladda Burundi oo aan ka mid ahaa ciidamadeeda ay u soo dirtay Soomaaliya waxaan ka codsanayaa inay dadaal ku bixiyaan sii-deynteeda... sow ma ihi askari Burundi ah... sow xuquuq kuma lihi dowladdeyda... aniga oo xor ah ayaad howsha ciidamada iga dalbateen waana ogolaaday, balse maanta anigoo xor ahayn ayaan idinka dalbanayaa inaad i caawisaan si la ii sii-daayo, waxaan xoriyaddeyda waayay anigoo ku jira howlgal dawladdeydu ay i fartay," ayuu askarigu mar kale yiri.

Wuxuu intaa ku daraya; Al-Shabaab waxay ii sheegeen in aanay waxba ku faleyn dilkeyga... ku dhawaad 10 bilood oo gacantooda aan ku jirana wax dhibaato ah kalama kulmin... balse waxay ii sheegeen dhawaan arrin aan la qarracmay oo aan rabo dawladda Burundi deg-deg inay wax kaga qabato.

"Arrintan naxdinta igu reebtay waa in wadahadal xiriir la leh sii-dayntayda inuu joogsaday... waxayna ii sheegeen in ninka wadahadalka sii-daynta waday inuu ahaa sarkaal ka tirsan ciidamada UPDF-ta ee Uganda," ayuu Therence ku sheegay fariintiisa codsiga ah.

Wuxuu sheegay in lala socodsiin jiray halka ay wax marayaan, waxaana ii cadaatay sarkaalka UPDF inaysan daacad ka ahayn sii-deynteydao oo uusan dan ka lahayn in aysan ka ahayn wadahadalka. Waxaan ku celinayaa mar kale codsiga ku socda Jen. Niyonhanna si uu howsha u soo farageliyo oo Al-Shabaab kala hadlo sii-deynteeda, ehelkeyga ayaan rabaa ee i caawiya... fadlan i caawiya, fadlan i caawiya.

Askarigu wuxuu sheegay in sidoo kale ay jiraan askar kale oo maxaabiis ah kuwaas oo uusan sheegin dhalashadooda, wuxuunse fariintiisa ku sheegay inay dhammaan u baahan yihiin in laga caawiyo sidii looga sii dayn lahaa cagata Al-shabaab.

Ugu dambeyn, wuxuu yiri: "Waxaan ka codsanayaa saaxiibadeydii ciidamada Burundi in arrinteenna ay kala hadlaan dawladda. waxaan u sheegayaa inay qabsan karto tan oo kale... fadlan nagu caawiya wixii aad jeclan lahaydeen in la idinku caawiyo... waxaan rabnaa inaan aragno qoysaskeenna.... waxaan rabnaa inaan dib u helno xorriyadeenna... waxaan rabnaa dalkeena... fadlan nagu cawiya... fadlan nagu caawiya."

Hadalka askariga ayaa imaanaya iyadoo Xarakada Al-shabaab ay dhowr oo hore u dirtay fariimo dowladda Burundi, kuwaasoo ku saabsan inay ciidamadooda kala baxdo gudaha Soomaaliya si ay u sii-dayso maxaabiista ay ka hayso.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya

More News