Hay'adda Xuquuqda Aadanaha HRW oo codsatay in si deg-deg ah loo baaro Duqeyntii Diyaaradeed ee Hoosingow

Khamiis, December 22, 2011 (HOL) − Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa codsatay in si deg-deg ah loo baaro duqeyntii ay diyaaradaha dagaalka Kenya u geysteen deegaanka Hoosingoow Talaadadii lasoo dhaafay, taas oo sababtay inay ku dhintaan 15-qof oo rayid ah, kuwaasoo u badnaa caruur.

Warsaxaafadeed ay soo saartay HRW ayay ku sheegtay in deegaanka la duqeeyay uu ahaa goob ay ku nool yihiin dad rayid ah isla markaana aysan ku sugnayn xilligii la duqeynayay xoogagga Al-shabaab.

Balse Major Emmanuel Chirchir oo ah afhayeenka ciidamada Kenya ayaa sheegay inay duqeeyeen saldhigyo ay Al-shabaab ku lahayd deegaankaas ayna ku dileen dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab.

"Duqeyntii Hoosingow waa mid u baahan in si deg-deg ah loo baaro, dhinacyada dagaalku u dhexeeyo waa inay xil iska saaraan sidii loo yareyn lahaa khasaaraha dadka shacabka ah soo gaaram," ayuu yiri madaxa HRW u qaabilsan baaritaannada Afrika, Ben Rawlence.

Sidoo kale haya'ddu waxay ku eedeysay ciidamada Kenya iyo Al-shabaab inaysan dhowrin xuquul insaanka ayna si toos ah u bartilmaameedsadaan mararka qaarkood dadka shacabka ee ku nool goobaha ay ku dagaalamayaan.

Ugu dambeyn; HRW waxay war-saxaafadeedkeeda ku sheegtay in 18-kii bishii November ee sannadkan ay dowladda Kenya u dirtay qoraal ay ku dalbanayso in la baaro duqeymihii diyaaradaha dagaalka ee Kenya ay ka geysteen gobollada Jubbooyinka, kuwaasoo lagu dilay dad shacab ah, balse aysan weli kasoo jawaabin codsigaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya

More News