Ra'iisul wasaarihii Soomaaliya oo sheegay in Shariif Xasan looga baahan inuu ku qanco go'aanka Xildhibaannada Baarlamaanka


Khamiis, December 22, 2011 (HOL) − Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Famaajo ayaa ugu baaqay guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan inuu aqbalo xilkii ay ku sameeyeen xildhibaannada baarlamaanka oo ku hadlayay codka shacabka.

Mudane Farmaajo oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa sidoo kale ugu baaqay Shariif Xasan inuu ku daydo mas'uuliyiintii ka horreysay ee iscasilay, isagoo xusay inayasn jirin wax dhibaato ah oo uu la kulmayo.

"Anigu waxaan is casilay iyadoo shacabku ay dibadbaxyo dhigayaan sababta aan isku casilayna waxay ahayd inaan qafiifiyo dhibka shacabka lagu hayo, maadaama ay yihiin kuwa dushoosa lagu hardamayo, isla markaana eegaya danta guud," ayuu yiri ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya.

Sidoo kale, Farmaajo wuxuu sheegay in Shariif Xasan ay xilka u dhiibteen shacabka iyo xildhibaannada oo matalay haddii ay yiraahdaan kuma rabnana u aqbalo, uuna u banneeyo kursiga xubnaha kale si ay ummadda ugu shaqeeyaan.

"Waxaan hubaa in haddii guddoomiyaha baarlamaanka uu xilka ka tago uusan wax dhibaato ah arkayn, waayo anigubna dhibaato ma arkin waxaana dib ugu laabtay si caadi ah howshaydii hore," ayuu yiri Maxamed Farmaajo.

Ra'iisul wasaaruhu wuxuu sheegay in mas'uul walba oo dowladda ka tirsan looga baahan yahay in shacabka loo daneeyo, maadaama xildhibaannada oo afkooda ku hadlaya ay gaareen go'aan ah inay xilka ka qaadeen Shariif Xasan.

Dhanka kale, ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya wuxuu soo hadal qaaday sababtii xilka looga qaaday, isagoo sheegay in Shariif Xasan uu yiri islama shaqeyn karaan xukuumaddii aan anigu matalyaya iyo baarlamaanka, waxaana go'aansaday inaan xilka ka tago anigoo og in taasi aysan waxba ka jirin.

Ugu dambeyn, wuxuu sheegay in heshiiskii Kampala aysan qodobbadiisa ka mid ahayn inaan mooshin laga keeni karin madaxda DKMG ah, balse laga keeni karo haddii ay ku xadgudbaan sharciga dalka u dagsan oo wax walba ka weyn.

Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa hadalkiisu wuxuu kusoo aadayaa iyadoo 280-xildhibaan oo ku shiray Muqdisho bartamihii bishan ay sheegeen inay xilkii ka qaadeen Shariif Xasan, inkastoo guddoomiyaha baarlamaanka uu arrintaas diidan yahay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya

More News