Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda KMG oo hakad geliyay muddo afar Todobaad ah Kulammadii Baarlamaanka Soomaaliya

Khamiis, December 22, 2011 (HOL) − Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka DKMG ah ee Soomaaliya, C/samad Macallin Maxamuud oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ee Puntland ayaa sheegay in hakad la geliyay kulammadii baarlamaanka Soomaaliya muddo afar todobaad ah.

Mudane C/samad Macallin wuxuu sheegay in sababta loo hakiyay kulammada ay tahay iyadoo dhowr jeer uu gacan ka hadal ku dhexmaray xarunta golaha shacabka xildhibaanno iska soo-horjeeda , isagoo mudanayaasha baarlamaanka ka dalbaday inay gacan ka geystaan sidii ammaanka loo adkeyn lahaa.

"Xildhibaannada baarlamaanka iyagoo dhowraya mas'uuliyadda ballaaran ee ay ka sugayaan shacabka ay wakiilka ka yihiin ay billaabaan wadahadal si loo helo in xarunta baarlamaanku ay noqoto goob ammaan ah oo xildhibaannadu ay uga doodaan danaha guud ee ummadda," ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha ee DKMG ah.

Wasiirku wuxuu intaa ku daray in muddada afarta todobaad ah ee ay kulammadu ku jiraan hakadka laga doonayo ciidamada ammaanka inay adkeeyaan ammaanka, wuxuuna codsaday in cid walba oo gacan ka geysan karta ay ka geysato sugidda ammaanka.

"Ciidamada amniga Qaranka waxaa mar kale la farayaa inay ilaaliyaan midnimada iyo sharafta baarlamaanka, xildhibaannadana waxaan ka codsanaynaa inay gacan ku siiyaan ciidamada ammaanka howshooda," ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka arrimaha gudaha wuxuu sidoo kale ku wargeliyay xildhibaannada in haddii ay doonayaan inay ku shiraan xaruntooda inta lagu jiro afarta toddobaad ee hakadka la geliyay kulammada baarlamaanka inay la socodsiiyaan wasaaradda arrimaha gudaha iyo ammaanka ka hor 72-saac shirkooda.

Ugu dambeyn wasiirku wuxuu sheegay inay diyaar u yihiin inay dhageystaan fikirka xildhibaannada baarlamaanka maadaama ay yihiin hay'addii sharci-dajinta dalka, ayna tixgelin doonaan soo jeedintooda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya

More News