Khamiis, December 22, 2011 (HOL) − Burcadbadeedda Soomaalida ayaa waxay sii daayeen shalay oo Arbaco ahayd markab kuwa shidaalka qaada ah oo laga leeyahay dalka Talyaaniga iyo 22-shaqaale ah oo la socday, kaddib markii ay ka qaateen madaxfurasho lacageed oo gaaraysa 11.5 milyan oo doollar.
Bayaan ay soo saartay hay'adaha badaha calaamka ayaa sidoo kale lagu sheegay in weli gacanta burcadbadeedda Soomaalida ay ku jiraan 200-badmaaxe oo lagu afduubay maraakiib ay burcadbadeeddu haystaan.
Ra'iisul wasaaraha Talyaaniga, Mario Monti ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay inuu ku faraxsan yahay sii daynta markabka oo lagu magacaabo Savina Caylyn iyo shaqaalaha la socda oo shan ka mid ah ay u dhasheen dalka Talyaaniga.
Markabka iyo shaqaalihisa ayaa waxaa la afduubay bishii Feberaayo ee sannadkan, iyadoo 17 ka mid ah shaqaalaha markabkan ay u dhasheen dalka Hindiya, waxaana la sheegay inay caafimaad ahaan aad u wanaagsan yihiin.
Qaar ka mid ah burcadbadeedda Soomaalida ah ayaa sheegay in madaxfurashada lacageed looga soo daadiyay diyaarad yar, balse dowladda Talyaaniga ayaa iska fogeysay inay bixisay madaxfurasho lacageed.
Dhanka kale, waxaa la sheegay in burcadbadeedda Soomaalida ay weli afduub u haystaan 199-rag ah iyo haweeney, kuwaasoo dhamaantood ajnabi ah, iyadoo lagu sheegay warbixinta hay'adda badaha caalamka in 60-badmaaxe ay dhinteen intii ay ku jireen gacanta burcadbadeedda Soomaalida, qaar kale oo badanna ay la xanuun-sanayaan jirdil loo geystay intii la haystay.
Waxaa sidoo kale warbixinta lagu sheegay in 49-ruux oo ka mid ah badmaaxiinta la haysto lagala haray maraakiibtii ay la socdeen, iyadoo kooxaha haysta ay madax-furasho lacageed ka doonayaan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya