Maamulka Ahlusunna ee Gobollada dhexe oo qaadacay shirka wadatashiga ee ka furmay Magaalada Garoowe

Khamiis, December 22, 2011 (HOL) − Ururka Ahlusunna Waljamaaca ee gobollada dhexe ayaa sheegay inaan lagu casuumin shirka wadatashiga ah ee ka furmay magaalada Garoowe sidoo kalena aysan jirin cid iyaga matasha oo shirkaas ka qaybgalaya.

Guddoomiyaha golaha fulinta ee Ahlusunna, Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefoow oo saxaafadda la hadlay ayaa ku eedeeyay danjire Augustine Mahiga inuu xubno uu meelo kasoo urursaday oo uu u bixiyay Ahlusunna uu shirkaas ka qaybgeliya, ayna u caddeynayaan dunida inaan iyaga lagu casuumin shirkaas.

"Caalamka waxaan u caddeynaynaa inaysan jirin cid maatshada maamulka Ahlusuna Waljaamaca ee gobollada dhexe oo shirka ka qaybgalaya aysan, shaqana aysan ku lahayn," ayuu yiri Sheekh Maxamed Xeefoow.

Sidoo kale, guddoomiyaha fulinta ee Ahlusunna ayaa sheegay inaanay iyagu mas'uul ka ahayn fulinta qodobbada shirkaas kasoo baxa, caalamkuna uu kula xisaabtamo ciddii ka qaybgashay fulinta wixii kasoo baxa.

"Danjire Mahiga iyo xubno ka tirsan dowladda ayaa ku qaraabanaya shirkaas iyagoo qorshahoodu yahay inay cunaan lacagtii loogu talogalay in Soomaalida wax loogu qabto," ayuu hadalkiisa raaciyay.

Geesta kale, Sheekh Xeefow wuxuu ku eedeeyay madaxda DKMG ah inay wadaan qorshayaal ay ku doonayaan inay ku fashiliyaan maamulka Ahlusunna ee gobollada dhexe, isagoo ugu baaqay dowladda inay dhaqaalaha ay u adeegsanayso fashilinta Ahlusunna ay ummadda Soomaaliyeed wax ugu qabato.

"Waan ognahay inay jiraan madax badan oo dowladda KMG ah ka tirsan oo kharash badan ku bixinaya sidii ay u burburin lahaayeen Ahlusunna Waljamaaca, laakiinse waxaan ugu baaqayaa inay ummadda Soomaaliyeed ugu adeegaan," ayuu Sheekh Xeefow yiri.

Mas'uulku wuxuu sheegay in madaxda DKMG ah looga baahan yahay inay sheegaan haddii ay Ahlusunna khatar ku tahay shacabka Soomaaliyeed, isagoo sheegay inay iyagu diyaar u yihiin inay shacabka khatartaas ka daayaan, haddii ay khatar ku yihiin cadowgoodana ay howsha wadayaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya

More News