Khamiis, December 22, 2011(HOL) Nairobi, Kenya - Qaar kamid ah saynis yahanada Kenya ayaa ka digay in Kenya ay soo food saartay khatartii ugu xumayd.
Saynis yanahadan ayaa sheegay in hubka kiimikaalka ah uu gacanta u gali karo kooxda Alshabaab oo ay dawlada Kenya dagaal kula jirto arrintaas oo khatar ku keeni karta Kenya.
Machadka Kenya ee qaabilsan cilmi baarista arrimaha caafimaadka oo warbixin soo saaray dhawaan ayaa sheegay inay macquul tahay in Alshabaab ay soo qaado weerar ay isticmaalayso waxyaabaha laga sameeyo kiimikaalka oo la adeegsan karo gumaad ballaaran.
Dr.Solomon Mpoke oo ah madaxa macdhadkan oo loo soo gaabiyo KEMRI ayaa sheegay in dawlada Kenya looga baahanyahay inay qaado tallaabooyin ay arrintan kaga hortagayso.
Dhanka kale waxaa shalay baarlamaanka Kenya lagu soo qaaday hanjabaado la sheegay inay Alshabaab u soo gudbisay Gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Kenya Faarax Macallim iyo wasiirka gaashaandhiga Maxamed Yuusuf Xaaji.
Waxaana baarlamaanku ay si kulul uga doodeen arrintan, iyagoo codsaday in dawladu ay ilaalo dheeri ah siiso masuuliyiinta Kenya ee khatarta ugu jira in Alshabaab ay dhibaatayso.
Faarax Macallim oo ka hadlay hanjabaadaha loo soo jeediyay ayaa Alshabaab ku tilmaamay dambiilayaal qawlaysato ah, dhibaato badana ku haya shacabka Soomaaliyeed.
Faarax ayaa sheegay in hanjabaadaha loo soo jeeidiyay aysan micno wayn samaynin, isla markaana Kenya ay sii wadi doonto la dagaallanka Alshabaab.
Wadanka Kenya ayaa galay xaalad amni daro oo baahday iyo weeraro ka dhacay meelo kala duwan oo dalka kamid ah, tan iyo markii ay Kenya ciidamadeedu galeen koonfurta Soomaaliya.
Waxaana ay arrintani horseeday walaac soo food saaray dawlada iyo shacabka Kenya oo ka cabsi qaba in weeraro aargoosi ah ay Alshabaab ka fuliso dalkooda.
Axmed Cabdisamad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya
Kenya oo ka walaacsan in lagu soo weeraro hubka wax gumaada iyo Alshabaab oo u hanjabtay masuuliyiin sarsare
More News
- Xaflad Casho sharaf ah oo caawa lagu qabtay madaxtooyada Puntland (SAWIRRO)
- Mas’uuliyiinta ka socday Degmada Borlänge oo la kulmay Jaaliyado Soomaaliyeed oo ka dhisan Degmada
- Dhakhaatiir Iiraaniyiin ah oo Isbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa ka bilaabi doona hawlo caafimaad oo lacag la'aan ah
- Askari ka tirsan Ciidamada Burundi oo maxbuus ahaan ay u hayso Al-shabaab oo farriin u diraya Dowladdiisa
- Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda KMG oo hakad geliyay muddo afar Todobaad ah Kulammadii Baarlamaanka Soomaaliya
- Golaha Guurtida Somaliland oo kulan xog waraysi ah la yeeshay Akadamiyada Nabada ee Somaliland
- Hay'adda Xuquuqda Aadanaha HRW oo codsatay in si deg-deg ah loo baaro Duqeyntii Diyaaradeed ee Hoosingow
- Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay oo sheegay inay ka walaacan yihiin xaalada Ammaan ee Dhadhaab
- Dhaqaatiir Turkish ah oo Muqdisho ka billaabay qalliino iyo daweyn ay u sameynayaan bukaannada Soomaaliyeed
- Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya oo sheegay in loo hanjabay isaga iyo Wasiirka Difaaca Kenya
- Xildhibaannadii xilka ka qaaday Shariif Xasan oo maanta magacaabay guddi doorasho (Magacyada Guddiga)
- Ra'iisul wasaarihii Soomaaliya oo sheegay in Shariif Xasan looga baahan inuu ku qanco go'aanka Xildhibaannada Baarlamaanka
- Burcadbadeedda Soomaalida oo sii daayay markab, welina gacanta ku haya in ka badan 200 oo badmaaxe
- Maamulka Ahlusunna ee Gobollada dhexe oo qaadacay shirka wadatashiga ee ka furmay Magaalada Garoowe
- Shirkii wadatashiga Soomaalida oo maanta lagu dhageysanayo warbixinno ku saabsan fulinta qorshe howleedka Roadmap
- Madaxweyne Sheekh Shariif oo sheegay inaan la fiirsan karin muranka u dhexeeya baarlamaanka Soomaaliya