Dhaqaatiir Turkish ah oo Muqdisho ka billaabay qalliino iyo daweyn ay u sameynayaan bukaannada Soomaaliyeed


Khamiis, December 22, 2011 (HOL) − Dhaqaatiir Turkish ah ayaa ka bilaabay Muqdisho howlo lagu daweynayo dadka Soomaaliyeed ee xanuunsan, iyadoo ay ka howlgalayaan dhaqaatiirtan isbitaallo KMG ah oo ay Turkigu dhiseen.

Wasiiradda caafimaadka Turkiga ayaa sheegtay inay dhaqaatiir u dirtay isbitaalo KMG ah oo ay ka sameysay Muqdisho, iyadoo dhaqaatiirta loogu talogalay inay daweyn, baaris iyo qaliinba ku sameeyaan bukaannada Soomaaliyeed ee imaanaya labadaas isbitaal.

"Dhaqaatiirta Turkiga waxay baaris ku sameeyeen tan iyo markii ay howlahooda ka bilaabeen Muqdisho 700,000 oo qof oo Soomaali ah, kuwaasoo ay ku jiraan caruur la xanuunsan cudurrada shubanka, cuncunka maqaarka iyo hargab ama oof-wareen," ayaa lagu yiri warbixin ay soo saartay wasaaradda caafimaadka Turkiga.

Sidoo kale wasaaraddu waxay sheegtay in dadka waaweyn ee xarumaas booqday ay iyaguna la xanuunsanaayeen cudurro ay ka mid yihiin kaadi-macaanka, xanuuno ku dhaca kilyaha iyo weliba cudurka qaaxada.

"Inta badan waxaan fulinaa qaliinnada aan waxba looga qaban karin gudaha dalka Soomaaliya," ayuu yiri Muse Temel oo ah madaxa dhaqaatiirta ka socda dalka Turkiga ee ka howlgalaya Muqdisho oo la hadlayay warbaahinta Turkiga.

Dowladda Turkiga ayaa waxay ahayd dowladdii ugu horreysay ee u soo gurmata shacabka Soomaaliyeed markii ay dad badan oo abaaraha kasoo cararay ay soo galeen Muqdisho si loo caawiyo.

Hay'adaha Turkiga ayaa waxay ka hirgeliyeen Muqdisho xarumo caafimaad, kuwo lagu xanaaneeyo caruurta agoonta ah, iskuullo wax lagu barto iyo goobo lagu quudiyo barakacayaasha Soomaalida iyo caruurta nafaqo-darradu ay hayso.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya

More News