Dhakhaatiir Iiraaniyiin ah oo Isbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa ka bilaabi doona hawlo caafimaad oo lacag la'aan ah

Khamiis, December 22, 2011 (HOL) − Toban Dhakhtar oo ka yimid dalka Iiraan ayaa maanta hawlo shaqo oo dhinaca caafimaadka ah u yimid magaaladda Hargeysa ee Somaliland.

Dhakhaatiirtan ayaa hawlo caafimaad oo bilaash ah ka fulin doona cisbitaalka guud ee magaaladda Hargeysa, kuwaas oo ay ku daweyn doonaan caruurta iyo haweenka, isla markaana mudadaas ay joogaan hawlo badan oo ku aadan daweynta ay ka fulin doonaan halkaasi.

Dhakhaatiirtan ka socda dalka Iraan waxa maanta garoonka diyaaradaha ee magaaladda Hargeysa ku soo dhoweeyey masuuliyiin ka socda wasaaradda caafimaadka oo uu hogaaminayo agaasimaha guud ee wasaarada Caafimaadka Somaliland.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Caafimaadka Somaliland Mr. Cabdi Axmed Nuur ayaa sheegay in dhakhaatiirtani ka hawlgali doonaan cisbitaalka, isla markaana loo diyaariyey meelihii ay ku shaqayn lahaayeen "Dadka doonaya in la baadho waxa loo samaynayaa liisas iyo nidaamyo lagu kala hago, waxaanay daweyn doonaan caruurta, Haweenka, Qaliinka iyo cudurada guud, anaguna waanu la shaqaynaynaa waanan u diyaarinay meelihii ay ka shaqaynayeen" ayuu yidhi agaasimaha guud ee wasaaradda Caafimaad.

Agaasimuhu waxa uu intaas ku daray in dhakhaatiirta loo soo dhoweeyo si fiicana loola shaqee, si dhakhaatiir kale oo caalami ahina dalka u yimaadaan.

Waa markii ugu horeysay ee dhakhaatiir ka socda dalka Iiran ay hawlo caafimaad oo bilaash ah ka fuliyaan Somaliland.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland

More News