Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay oo sheegay inay ka walaacan yihiin xaalada Ammaan ee Dhadhaab

Khamiis, December 22, 2011 (HOL) − Xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay, Ban Ki-Moon ayaa sheegay inuu aad uga walaacsan yahay xalaadda ammaan ee deegaanka Dhadhaab oo ay ku yaalla xeryo ay ku jiraan qoxooti Soomaaliyeed oo kasoo cararay colaadaha iyo abaaraha ka taagan Soomaaliya.

Hay'adihii gargaarka ee ka howgeli jiray xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya ayaa waxay qaarkood sheegeen inay joojiyeen howlihii ay ka hayeen kaddib markii ay soo kordheen falalka ammaandarro ee ka dhacaya xareyahaas.

"Xeryaha qoxootiga waa inay noqdaan goobo ay amaan ku helaan haweenka, caruurta iyo dadka waayeenka," ayuu yiri Ban oo intaas ku daray: "Waa inaynu sameyno wax walba oo aan awoodno si aan u xaqiijino nabadgalyada iyo ammaanka xeryaha qoxootiga."

Sidoo kale, Ban Ki-Moon ayaa sheegay inuu booqday xeryaha Dhadhaab, isagoo xusay inay ka jireen xaalado aad u daran oo dhinaca bani'aadamnimada ah, wuxuuna xusay inuu la kulmay qoxootiga halkaas ku jira oo kasoo cararay abaaraha iyo colaadda ka taagan Soomaaliya oo daris la ah Kenya.

Xoghayaha guud ayaa hadalladan ka sheegay kulan golaha ammaanka ee UN-ka uu ka yeeshay shalay oo Arbaco ahayd xaaaladda dalka Soomaaliya. Isagoo xusay in loo baahan yahay in wax laga qabto dhibaatooyin kusoo kordhay xeryaha qoxootiga.

"Isniintii, waxaa ka dhacay meel ku dhow xerada Xagardheer qarax dilay hal qof," ayuu Ban u sheegay xubnaha golaha amaanka, isagoo hadalkiisa raaciyay. "Maalintii xigtay ee Talaadada waxaa dhacay xareda Ifo qarax kale oo aan khasaare geysan."

Xeryaha Ifo iyo Xagardheer waxay ka mid yihiin saddexda xero qoxooti ee ku yaalla deegaanka Dhabaab ee dalka Kenya, waxaana xeryahan ku jira in ka badan nus malyuun qoxootig Soomaaliyeed ah.

Mr. Ban wuxuu sheegay xaaladda ammaan-darro ee ka jirta Dhadhaab ay ahayd waxyaabihii ugu badnaa ee ay qoxootigu ka hadlayeen markii uu booqday halkaas, isagoo yiri: "Qoxootigu waxay ii sheegeen inay dalkoodii uga soo tageen si ay u helaan nabad iyo kaalmo, balse weli ay colaaddii weli daba socoto."

Ugu dambeyn, Ban Ki-Moon wuxuu ka hadlay muranka siyaasadeed ee u dhexeeya xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya, isagoo tusaale u soo qaatay xil ka qaadistii lagu sameeyay Shariif Xasan Sheekh Aadan wuxuuna dhinacyada oo dhan ugu baaqay inay xushmeeyaan heshiiskii Kampala ay xalaadda sida ay hadda tahay ka bedelaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya

More News