Xildhibaannadii xilka ka qaaday Shariif Xasan oo maanta magacaabay guddi doorasho (Magacyada Guddiga)

Khamiis, December 22, 2011 (HOL) − Xildhibaannadii xilka ka qaaday guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa maanta magacaabay guddi ka shaqeeya diyaarinta doorashada guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Soomaaliya.

Guddigan oo tiradoodu tahay 34-xubnood ayaa dhammaantood ah xidhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, waxaana la sheegay inay sidoo kale ka shaqeyn doonaan amaanka goobta lagu qabanayo doorashada, qabashada araajida xubnaha isku sharraxaya jagada iyo weliba diyaarinta qalabka doorashada.

Xubnahan guddigan oo uu saxaafadda u akhriyay mudane C/qaadir Sheekh Ismaaciil ayaa waxay kala yihiin:

  1. Xildhibaan Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacmadheere)
  2. Xildhibaan Sheekh Nuur Cali Aadan
  3. Xildhibaan Ibraahim Maxamed Deeq
  4. Xildhibaan Cali Cumar Geeddi (Garabey)
  5. Xildhibaan Cabdi Ibraahim Cabdi
  6. Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xasan (Weekiyo)
  7. Xildhibaan Daahir Sheekh Amiin (Jeesoow)
  8. Xildhibaan Ismaaciil Maxamed Cabdi
  9. Xildhibaan Maxamed Ibraahim Cabdulle
  10. Xildhibaan Maxamed Sheekh Nuur Ismaaciil
  11. Xildhibaan Maxamed Sheekh Cali (Woosh)
  12. Xildhibaan Maxamed Aadan Waayeel
  13. Xildhibaan Maxamed Nuur Sheegow
  14. Xildhibaan Cismaan Yuusuf Xaraare
  15. Xildhibaan Mowliid Xuseen Cumar
  16. Xildhibaan Yuusuf Mire Seeraar
  17. Xildhibaan C/raxmaan Jimacale
  18. Xildhibaan Amiin Cumar Jaamac
  19. Xildhibaan Yaasiin Maxamed Bucul
  20. Xildhibaan Xasan Aadan Macallin
  21. Xildhibaan Suleymaan Maxamed Ibraahim
  22. Xildhibaan Maxamed Cabdi Aheeye
  23. Xildhibaan Ismaaciil Axmed Nuur
  24. Xildhibaan Maxamed Maxamuud Jimcaale
  25. Xildhibaan C/qaadir Faarax Karaama
  26. Xildhibaan Axmed Ibraahim Macoow
  27. Xildhibaanad Maryan Faarax Gooje
  28. Xildhibaan Maxamed Sheekh Cali Aboow
  29. Xildhibaan Cabdullaahi Yuusuf Cigaal
  30. Xildhibaanad Faadumo C/llaahi Insaaniya
  31. Xildhibaan Cumar Buraale iyo
  32. Xildhibaan Xabiib Cayb
  33. Ibraahim Xuseen Xirsi

Howsha guddigan ayaa sidoo kale la sheegay inay ka mid tahay ku dhawaaqidda xilliga ay doorashadu dhacayso, waxaana qoraalka lagu magacaabay guddigan ku saxiixnaa guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka xildhibaan Axmed Dhimbil Rooble (Casoowe) oo shalay guddoominayay kulanka baarlamaanka.

Guddoomiye ku xigeenku wuxuu sheegay in xildhibaan walba uu isku soo sharraxi karo xilka guddoomiyaha baarlamaanka, isagoo xusay inay tixgelin gaar ah siin doonaan nidaamka awood-qaybsi ee ay DKMG ah ku dhisan tahay kaasoo ah 4.5-ka. Wuxuuna intaas ku daray inay xulan doonaan qof aqoon iyo karti ballaaran u leh guddoominta kulammada baarlamaanka.

Ugu dambeyn, xildhibaannadan ayaa waxay sheegeen inay kulan xasaasi ah maanta sabtida ah ee soo socota ay ku qaban doonaan xarunta golaha shacabka, kaasoo aysan sheegin qodobbada ay uga doodi doonaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya

More News