
Khamiis, December 22, 2011 (HOL) − Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo magaalada Garoowe ee Puntland kaga qaybgalaya shirka wada-tashiga dhinacyada siyaasadda Soomaalida ayaa sheegay inaan loo dulqaadan karin khilaafka soo laalaabtay ee u dhexeeya xildhibaannada baarlamaanka.
Sheekh Shariif, wuxuu sheegay in xildhibaannada looga baahan yahay inay sharciga ku dhaqmaan, wuxuuna xusay in khilaafyada iyo gacan ka hadalka soo laalaabtay ee u dhexeeya uu yahay mid aad looga xumaado.
"Khilaafyada u dhexeeya baarlamaanka ee ka socda Muqdisho ma ahan mid loo dul-qaadan karo oo lagu farxo, mana ka aamusi doonno," ayuu ku yiri Sheekh Shariif hadal uu ka jeediyay furitaankii shirka wadatashiga ee shalay.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in looga baahan yahay dowladda oo dhan inay ku dhaqanto sharciga, isagoo sheegay in xildhibaannada baarlamaanku ay yihiin kuwa sharciga dajinaya looga baahan yahay inay iyagu ku horreeyaan ku dhaqanka sharciga.
"Waxaa loo baahan yahay in sharciga lagu xalliyo khilaafaadyada soo laalaabtay, balse inay iska sii socdaan murannada lama ogolaan karo, tallaabo ayaana ka qaadanaynaa," ayuu si cad u yiri madaxweynaha Soomaaliya.
Hadalka Sheekh Shariif ayaa imaanaya iyadoo uu jiray khilaaf ku saaban xil ka qaadis ay xildhibaannada qaarkood ku sameeyeen guddoomiyaha baarlamaanka, Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyadoo xildhibaannada qaarkood ay arrintaas diiddan yihiin.
Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa u dhexeeya khilaafyo sababay inay dhowr jeer ku dagaalamaan xarunta golaha shacabka, iyadoo kii ugu dambeeyay uu dhacay shalay oo Arbaco ahayd.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya