Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya oo sheegay in loo hanjabay isaga iyo Wasiirka Difaaca Kenya


Khamiis, December 22, 2011 (HOL) − Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Kenya, Faarax Macallin ayaa sheegay in isaga wasiirka gaashaandhigga Kenya Yuusuf Xaaji ay fariimo hanajabaad ah ka heleen Xarakada Al-shabaab oo ka dagaalanta dalka Soomaaliya.

Mr. Macallin oo shir guddoominayay kulan uu yeeshay barlamaanka Kenya ayaa u sheegay xildhibaannada in loo hanjabay balse aysan ahayn wax ay ka filayaan inay dhibaato kasoo gaarto, inkastoo hay'adaha ammaanka Kenya ay arrinta ka dhigeen mid sare ayna adkeeyeen ammaanka xarunta baarlamaanka.

"Waxaan rumeysanahay in nafta gacanta wasiirka (Yuusuf Xaaji) ay ku jirto gacanta Illaahay," ayuu yiri Faarax Macallin oo intaas ku daray: "Baqdin nama gelinayso hanjabadda naloosoo diray."

Xildhibaannada baarlamaanka Kenya ayaa waxaa saameyn ku yeeshay fariintan loo diray guddoomiye ku xigeenka iyo wasiirka difaaca Kenya, iyadoo mudanayaashu ay sheegeen in hanjaabaddan ay sababi karto in la ugaasado saraakiisha ciidamada iyo xildhibaannada.

Hanjabaaddan ayaa waxay noqonaysaa tii ugu horreysay oo madaxda Kenya loo jeediyo, iyadoo dowladda Kenya ay ciidamadeeda kasoo talaabisay soohdinta ay la wadaagto Soomaaliya bishii Oktoobar ee sannadkan si ay ula dagaalamaan Al-shabaab.

Ma jiro hadal kasoo baxay Xarakada Al-shabaab oo ku saabsan hanjabaadda loo jeediyay Faarax Macallin iyo Yuusuf Xaaji oo labada ah Soomaali u dhashay dalka Kenya, kuwaasoo safka hore uga jira dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

Dhanka kale, qaar ka mid ah hay'adihii gargaarka ayaa sheegay inay joojiyeen howlihii ay ka hayeen xeryaha qoxootiga ee Dhadhaab oo ay kusoo laalaabteen qaraxyo ay ku dhinteen illaa sagaal askarta ammaanka Kenya ka tirsan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya

More News