
Khamiis, December 22, 2011 (HOL) − Shirka wadatashiga ee dhinacyada Soomaalida oo maalintii labaad ka socda Garoowe ayaa waxaa maanta waxbixinno ku saabsan qaabka fulinta heshiiskii Roadmap looga dhageysanayaan guddiyo lagu sameeyay wajigii koowaad ee shirkan oo lagu qabtay Muqdisho.
Guddiyadan ayaa lagu wadaa in looga dhageysto warbixinno ku saabsan shqooyin wadajir ah oo ay qabteen tan iyo markii la magacaabay, iyagoo si aad ah uga hadli doona qodobka ku saabsan dastuurka iyo dib u habeynta baarlamaanka.
Ergayga gaarka ee Qarammada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, danjire Augustine Mahiga oo shalay u dhoofay Addis Ababa ayaa lagu wadaa inuu maanta dib ugu laabto Garoowe si uga qaybgalo kulanka lagu dhageysanayo waxbixinnada.
Madaxweynaha Soomaaliya, ra'iisul wasaaraha iyo guddoomiyaha baarlamaanka ayaa iyaguna ku sugan Garoowe si ay u dhageystaan waxbixinta, iyadoo sidoo kale uu ku sugan yahay madasha shirka madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole.
Shirka ayaa labada maalmood ee uu socdo waxaa looga doodi doonaa afarta qodob ee uu ka kooban yahay heshiiska Roadmap, iyadoo maalinta ugu dambeysa lasoo saari doono war-murtiyeed wadajir ah oo lagu qeexayo sida lagu fulin karo afarta qodob ee heshiiska uu ka kooban yahay.
Qodobbada heshiiska ayaa waxaa ugu xasaasisan sameynta dastuurka cusub ee dalka uu yeelanayo, iyadoo madaxdii kulanka ka hadlay ay si aad ah uga hadleen sameynta dastuurka iyagoo ku sheegay inuu noqonayo xeer ay Soomaalida oo dhan wadaagto.
Dib u habyenta baarlamaanka oo madaxdii kulanka furay ay soo hadal qaadeen ayay fikrado kala duwan kasoo jeediyeen iyadoo madaxda qaarkood ay sheegeen in la dhimo tirada oo keliya, halka kuwo kalena ay soo jeediyeen in shacabku ay soo doortaan baarlamaan cusub.
Lama mowqifka dhabta ah ee ay isku raacayaan dhinacyada shirka qaybta ka ah sida DKMG ah, Galmudug, Puntland iyo Ahlusunna Waljamaaca, waxaana maalinta Jimcaha ah ee berri si aad ah looga hadlayaa dastuurka.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya