Golaha Guurtida Somaliland oo kulan xog waraysi ah la yeeshay Akadamiyada Nabada ee Somaliland

Khamiis, December 22, 2011 (HOL) − Guddoomiyaha Guddida Joogtada ee golaha Guurtida, ayaa sheegay inay wax khilaaf ahi ka dhexeyn iyaga hay’ada Akadamiga Nabadda iyo horumarinta Somaliland, wixii soo kala dhexmarayna ay ka heshiiyeen, isla markaana isla afgarteen in mid waliba hawlihiisa qaran qabsado.

Guddidan joogtadda iyo xubno ka socda Akadamiyadda Nabadda iyo Horumarinta, ayaa labaduda isla garteen inay xoojiyaan iskaashigooda, isla markaana labadda qolaba balanqaadeen inay wadashaqayn buuxda yeeshaan.

Guddidan joogtada ayaa xafiiskooda kulan xog waraysi ah kula yeeshay masuuliyiin ka socda Akadamiyadda Nabadda, ka dib markii warbaahinta lagu shaaciyey in hawlihii qaran ee guurtidu u xilsaarnayd ay kala wareegtay Akadamiyadda Nabaddu, sidaasina ay soo dadajiyey kulankan xogwaraysiga ah.

Haseyeeshee, kulankan labada dhinac yeesheen ee lagu gorfaynayey khilaafkaasi soo kala dhexmaray ay labadda dhinacba saxaafadda u bayaamiyeen inay soo afjareen, isla markaana ay isfahan ka gaadheen arrimihii la isku hayey.

Guddoomiyaha Guddiga Joogtada Md. Muxumed Aw Cabdi oo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi "Somaliland waxay halkan ku soo gaadhay waa wadatashi iyo is-qancin ee haddii cidi ina soo dhexgeli lahayd maynu soconeen. Qolada saxaafadana waxaan leeyahay dalku waa kiinii ee wixii wanaajinaya iyo wixii wax u taraya idinka ayey waajib idinku tahay inaad wanaajisaan"

Waxa isaguna dhankiisa ka hadlay Agaasimaha Akadamiga Nabada iyo Horumarinta Somaliland Mr. BoobeYuusuf Ducaale ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin in hawlihi Guurtidu u xilsaarnayd ay kala wareegeen, isla markaana ay tahay dacaayad eed looga dhigayo shaqadoodda. "Waxaynu nahay laba hay’adood oo walaalo ah oo wadashaqeeya ah oo aan wax dhibaato ka dhaxayn ama aanay dhexmari karin," ayuu yidhi Ducaale

Dhoweyn ayaa Akadamiyada Nabadda lagu eedeeyey inay hawlihi Guurtida ee nabadaynta kala wareegtay golaha Guurtida, taasina ay keentay in golaha guurtidu u yeedhaan kulan xog waraysi ahna la yeeshaan.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland

More News