4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 18, 2011
Wasiirka Ciyaaraha oo ku dhawaaqay wakhtiga ciyaaraha gobolada Somaliland bilaabmi doonaan

Axad, September 18, 2011(HOL)-Wasiirka Dhlinyarada, Ciyaaraha iyo Dhaqanka, Cabdi Siciid Faahiye, ayaa maanta si rasmiya u shaaciyey in bisha November labaatankeeda ay bilaabmi doonaan Tartankii ciyaaraha gobolada Somaliland, oo ka koobnaan doono ciyaaro kala duwan.
 
Wasiirka Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dhaqanka, Cabdi Siciid Faahiye, ayaa xafiiskiisa ku qabtay shirjaraa’id oo uu kaga hadlayo qabsoomida ciyaaraha gobolada Somaliland.
 
Wasiirku waxa uu xusay inay ciyaaraha gobolada ay iskaga hor iman doonaan toddoba gobol oo kala ah, Gobolka Maroodi Jeex, Togdheer, Saaxil, Sool, Sanaag, Awdal  iyo Gabiley.
 
Sidoo kale Wasiirku waxa uu magacaabay Shan xubnood oo noqon doona guddida qabanqaabada ciyaaraha gobolada Somaliland.

 “ Qodobka ugu Muhiimsan ee aanu maanta ku Dhaawaqaynaa waa Magacaabista Gudida, Qabanqaabadda Ciyaaraha Gobol▾ada ee Dalka Jamhuuriyadda Somaliland, markaa Halkan wax I hortaala oo aan ku Horeynayaa Warqadii aan ku Magacaabayay Gudida” ayuu yidhi Wasiirka Ciyaaraha iyo dhalinyarada Cabdi Siciid.

waxaanu intaasi ku daray wasiirku “ Gudidaas oo ka kooban Shan Xabnood Ayaan wax aan u soo xulay, Markii aan arkay in ay laga maarmaan ay tahay in la qabto Gudi Qaban qaabo Ciyaareed ee Gobolada, Markii aan arkay Muhiimaday u leedahay Qabsoomida Ciyaarahu Gobolada Jamhuuriyada Somalilandee Sanadka 2011, Markii aan eegay Aqoonta karti iyo xilkasnimada ay u lee yihiin Hawshaasi, Markaan Tix galiyay Warbixinta dadka Aqoonta u leh” ayuu yidhi Wasiirku..

Shanta xubnood ee wasiirku u magacaabay gudida qabanqaabada ciyaaraha Gobolada Somaliland, waxay kala yihiin:
1 Mubaarik Yuusuf Cilmi Gudoomiye
2 Ibraahim Daahir Jaamac, Agaasimaha Ciyaaraha
3 Cismaan Xasan Faarax Xooghaye
4. Rashiid Cismaan Maxamed Lugay, Xoghayn
5 Axmed Maxamed Shirre Sacad Xubin
 
Wasiirku waxa uu sheegay inay ciyaaruhu ka koobnaan doonaan ciyaaro kala duwan “Noocyadda Ciyaaruhu Waxa weeyaan, Ciyaaraha Kubada Cag, Baaskitka, Ciyaaraha Orodada iyo Ciyaaraha Fudud”ayuu yidhi. 

Guddoomiyaha guddidan cusub ee loo magacaabay qabanqaabaa iyo hirgalinta sidii ciyaaruhu u qabsoomi lahaayeen Mubaarik Yuusuf Cilmi ayaa  ka waramay xaaladii kala duwaynayd ee ay soo mareen ciyaaraha Somaliland, waxaanu balanqaaday inuu wixii itaalkooda ah aanay kala hadhi doonin horumarka ciyaaraha Somaliland
 
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland