
Axad, September 18, 2011(HOL): Jaaliyadda Soomaalida iyo ganacsatto miisaan culus leh ee ku dhaqan dalka K/Afrika oo kaashanaysa Xarunta cilmibaarista iyo wadatshiga Soomaaliya ee CRD ayaa magaalada Johannesburg ku qabtay isu imaatinkii ugu balaarnaa bilahan oo la’isugu keeno Soomaalida ku dhaqan South Africa.
Kulankani oo halkudhigiisa ahaa “midnimada iyo wax wadaqabsiga Soomaalida” ayaa waxaa kasoo qeybgalay boqolaal dad Soomaaliyeed ah oo ka kooban qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaa madasha xaadir ku ahaa 13-ka gudiga xiriirka Soomaalida Koonfur Afrika oo dhawaan lagu soo xuley kulamo dhaadheer oo ay jaaliyadu iyo Xarunta CRD ku qabatay Johannesburg.
Isuimaatinkani waxaa kasoo qeybgalay wasiirka tamarta iyo batroolka Soomaaliya mudane Cabdiqaadir Dhicisoow, dublamaasiyiin ka socotey wasaaradda arrimaha dibada K/Afrika, saraakiil ka socotey hey’adda Accord oo ah hey’ad qaabilsan arrimaha waanwaanta iyo xalinta mashaakilaadka colaadda Afrika, iyo madaxa hey’adda CRD mudane Jibriil Ibraahim Cabdulle oo madasha ka jeediyey hadalkii ugu nuxurka badnaa.
Wasiirka tamarta oo shirka ka hadlay ayaa sheegey in isagoo Johannesburg kaga qeybgalaya shir caalami ah oo ay ka qeybgalayaan wasiirada tamarta aduunka uu shirkaasi kasoo ordey markii uu maqlay in ay jirto meel ay Soomaalida ku kulmeyso, waxa uu markiiba qadka taleefoonka soo galiyey Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiwali Gaas oo dadka ku rajogaliyey in Soomaaliya ay kasoo eedo rajjo dowladnimo, iyagana xusuusiyey kaalinta ay ku leeyihiin dowladnimada Soomaaliya. Waxaa kaloo uu sheegay in dowladu kaalmo ka gaysan doonto xaalada dadka Soomaliyeed ee ku dhiban Koonfur Afrika.
Dadkii shirka ka hadlay waxaa ka mid ahaa Xaaji Cabdi oo ka mid ah gudiga xiriirka Soomaalida, waxaa kaloo ka hadlay Prof Cigaal oo wax ka dhiga jaamacadda Vaal ee teknoolijiyadda ee Johannesburg, waxa uu Profosoorka ka taariikhda halganka xoriyadda Koonfur Afrika iyo kaalintii ay ka qaadatay Soomaaliya.
Waxaa kulanka hadlay dad magac ku dhex leh umadda Soomaaliyeed eek u dhaqan K/Afrika sida Jaamac Bashiir oo ahaa mas’uulkii kala hagayay shirka, waxa uu Jaamac Bashiir ka hadlay muhiimadda shikani u leeyahaya Soomaalida, waxa uu raaciyey intaasi sid Soomaalida uga xuntahay dadka lagu heysto Soomaaliya. Dadkii kale ee madasha ka hadlay waxaa ka mid ahaa madaxa hey’adda Accord Accocord Vasu Gounden.

Mudane Jibriil Ibraahim Cabdulle, madaxa CRD oo khudbad dheer oo si niyad ah ay dadka u dhagaysteen ka jeediyey madasha ayaa ka hadlay qodobo dhowr ah oo udub dhexaad u noqon kara in Soomaaliya ay dib usoo ceshato heykalkeedii dowladnimo iyo sharafteedii dadnimo.
Jibriil waxa uu sheegey in uu arko biseyl ummada Soomaaliyeed dhexdeeda oo horseedi kara in xal laga gaaro mashaakilka Soomaaliya, waxa uu intaasi raaciyey in dowladda K/Afrika ay waqtigani usoo jeedsatay arrimaha Soomaaliya, ayna muhiim tahay in laga faa’iideysto.
Waxa uu ka warbixiyey in hey’addiisa ay qabatay, mise ka qeybqaadatay wadatashiyo iyo doodo looga hadlayay doorka dowladdaha Afrika ugu miisaaka culus sida K/Afrika oo kale ay uga qeybqaadan karto xalinta arrimaha Soomaaliya, “CRD waxa ay bixisey talooyin wax ku ool ah, kuwaasoo lagu saleeyey cilmibaaris aqooneed, waxaan sheegney in sannooyin badan la lahaa wadamada dariska ah haloo dhaafo arrimaha Soomaaliya, balse ay taasi xal keeni weysey 20 sanno ka badan, waxaan sheegney in la joogo xiligii wadamada aanan Soomaaliya danaha ka lahayn ee dhexdhexaadka ah iyagana kaalin laga siin lahaa xalinta mushkillada Soomaaliya”

Madaxa CRD iyo madaxa Accocord Vasu Gounden waxa ay ka hadleen shirar iyo wadatashiyo bilihii dhawaa ka dhacay Koonfur Afrika oo loogu magacdaray Baadigoob oo dabcan sida kalmadda micnaheedu yahay looga gol lahaa in lagu baadigoobo xalka Soomaaliya, waxaa shirarkaasi ka qeybgalay illaa 30 ergo madax Soomaaliyeed oo ah kuwa saameyn ku leh go’aan qaadashada maamulada Soomaaliya ka jira, waxa uu Jibriil sheegey in shirarkaasi oo ay martigalineyso dowladda Koonfur Afrika iyo hey’adda waanwaanta ee Accord ay wali socdaan, islamarkaasina dhici doonaan shirar kale. Vasu waxaa uu ku dheeraaday in shirkaas la sii wadi doono.
Fury Malebogo oo ka socday wasaarada arimaha dibadda ayaa ku guubaabyay in Soomaalida K/Afrika dareemaan in ay yihiin dad sharaf ku lef dalkaan , dareemaana in ay joogaan wadankoodii labaadaad, . Fury waxaa uu sheegay in ay lama huraan tahay in dadka Soomaaliyeedna ay ilaaliyaan sharciga dalkaan u yaalo.
Dublamaasigan sare oo ee ka socdey wasaaradda arrimaha dibada, kaasoo qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa sheegey in uu isu arko nin Soomaali ah maadaamaa ay badneyd intii uu Soomaaliya ku noolaa marka la barbardhigo K/Afrika oo uu u dhashay, waxa uu dadka xusuusiyey in Koonfur Afrika ay asxaan weyn u heeyso Soomaaliya maadaamaa ay dadka madoow ee Koonfur Afrika kala qeybqaateen xoriyaddii uu dalkooda gaaray.
Sida Muuqata waxaa soo ifbaxayso midnimo ka soo muuqanayso Soomaalida ku nool Koonfur Afrika isla markaana Doowlada K/Afrika ay isbadal ku sameeyeen siyaasadooda ku wajahan Soomaliya.
Waxaan shaki ku jirin in Soomalida ku dhaqan K/Afrika iyo Soomaliyaba ay wax ku soo kordhin doonto isbabdalka siyaasadeed ee ka soo muuqada doowlada south Africa.




Maxamed Muuse Nuur (Deeq Darajo)
[email protected]
Johannesburg, South Africa