Danjire Augustine Mahiga oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Toronto



Axad,
September 18, 2011 (HOL) - Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobe u qaybsan dalka Soomaaliya Danjire Austine Mahiga ayaa shalay kulan dheer la qaatay qaar ka mid ah Soomaalida ku nool magaalada Toronto ee dalka Canada. Wakiilka ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliyey wasiirka dastuurka iyo dib  u heshiisiinta Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil oo isaga ka mid ahaa jaaliyadda Soomaaliyeed ee reer Toronto.

Hodan Naaleeye ayaa halkaas ka aqrisay warbixin ay soo diyaariyeen jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Toronto. Warbixintaas oo dhinacya badan taabaneysay kuna qorneyd af-ingriisiga ayaa ay jaaliyadda ka dalbadeen in maxkamad la soo joojiyo dadkii dambeyada ka galay dalka Soomaaliya (Halkaan ka wada aqriso warbixintaas oo dhan)

Wasiirka Dastuurka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya Mudane Abdiraxmaan Hoosh ayaa halkaas ka jeediyey warbixin dheer  oo ku saabsan sidii loo heli DASTUUR ka tarjumaya xaaladda dhabta ah ee ka jirta dalka Soomaaliya ayada oo la tixgalinayo ilaalinta xuquuqda shacabka Soomaaliyeed

Ergayga gaarka ee Qaramada Midoobi u qaabilsan Soomaaliya Dr. Mahiga ayaa warbixin dheer ka  bixiyey  qodobo ay ka mid ahaayeen Heshiiskii dhawaan lagu soo gabagabeeyey magaalada Moqdisho ee wadada u xaarayey in la dhiso dowlad loo dhan yahay oo ku-meel-gaarka looga gudbo,  abaarta ka jirta dalka Soomaaliya iyo dowrka qorbajoogta Soomaaliyeed ay ka qaadan karaan dib u dhiska dalka Soomaaliya.  Dr. Mahiga inta uusan warbixinadaas bilaabin ayuu ka haddalay taariikhada ku aadan magaalada Toronto ee uu  wabarashadiisii PhDda ku qaatay Jaamacadda Toroto (University of Toronto)  iyo socdaal uu ku tagay dalka Soomaaliya sannadkii 1972 isaga iyo 12 dhallinyaro Tanzanian ah. Socdaalkaas ayuu Dr. Mahiga ku sheegay in uu ahaa mid ay ugu mahadnaqayeen dowladdii Maxamed Siyad Barre dowrka aya ka qaadatay xoreynta dalka Koofur Africa.  Ambassor Mahiga ayaa ku cel-celiyey sida ay uga go'an tahay dib u soo celinta dowlad habsame ee ka hirgasha dalka Soomaaliya.

"Waxaan halkaan idiinka caddeeynayaa in bulshada caalamka ay ka go'antahay in Soomaaliya hesho dowladda shaqeysa oo ka baxda nidaamkan ku meel gaarka (TFG). Mana jiri doonto  muddo kordhin dambe  oo loo daro dhowlada hadda jirta. Waa in uu hirgalaa qodobada heshiiskii Moqdishu  " ayuu yiri Danjire Mahiga.

" Ra'iisul Wasaarihii hore wuxuu ahaa shaqsi aad ugu wanaagsan maamulka laakin ma lahayn khibrad siyaasadeed. Waqtika hadda jira Soomaaliya waxay u baahantahay shaqsi aqoon u leh siyaasadda  una kala dab qaadi kara dhammaan xubnaha dowladda"  ayuu yir Dr. Mahiga isaga oo ka jawaabayey  su'aal ay  Hiiraan Online aweydiisay kun saabsaneyd  sababta keentay in la casilo Ra'isuula wasaarihii hore iyo golahiisii wasiirada oo Soomaalida gudaha iyo dibaddaba ay isku raaceen in ay shaqo wanaagsan hayeen.

Mar uu ka hadlayey doorka ay qorbajoogta ka qaadan karaan dhismaha dalka Soomaaliya ayuu Dr. Mahiga sheegay in uu wada qorshe uu kala hadlayo dowladaha reer galbeedka, qorshahaas oo ah  in Soomaalida ka howl gali karaan dalka Soomaaliya ayaga oo aanan laga goynin mushahardii ay ka qaadaneyeen dowladohooda.  Qorshaas ayuu yir Dr. Mahiga wuxuu keenidoon in se deg-deg  ay aqoon-yahanoo Soomaaliyeed ugu soo laabtaan dalka Soomaaliya kana qayb qaataan dib u dhiska dalka.  Dr. Mahiga ayaa sheegay  in sida kaliyaha ee Soomaaliya dib loogu soo celi karo in ay tahay dadkii aqoon yahanada ahaa oo dib ugu soo laabta.

Qaar ka mid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee reer Toronto oo la soo xiriiray Hiiraan Online ayuu sheegay in ay aad u saluugsanyihiin qaabka uu shirka u dhacay ayaga oo sheegay in koox gaar ah loo qabtay shirka balse ay wanaagsaneyd in dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada la kulmaan Danjire Mahiga. Waxaan Danjire Mahiga ka codsaneynaa in marka xiga ee uu soo booqdo dalka Canada uu la kulmo dhammaan bulsha-weynta reer Toronto iskana illaaliyo in koox yar ay meel ku qarsadaan.