Dowladda Turkiga oo sheegtay inay dib u dhis ku sameynaysay masaajidda ku yaalla dalka Soomaaliya

Axad, September 18, 2011 (HOL) — Hay'adda arrimaha diinta ee dalka Turkiga (TDV) ayaa sheegtay inay dib u dayactirayso in ka badan 200 masjid oo ku yaalla Soomaaliya.

Kooxdan Turkiga ah waxay ku hormari doonaan dayactirka masaajidda Muqdisho, kuwaasoo ay dhaawac xun gaarsiiyeen dagaalladii sokeeye ee caasimadda ka dhacay.

"Waxaa Soomaaliya ku yaalla 200 masjid oo u baahan in dayactir," ayuu yiri madaxa hay'adda Mustafa Tutkun oo la hadlayay wakaaladda wararka dalkiisa Axaddii shalay ahayd.


Tutkun wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay si gaar ah hay'adood u weydiisatay in dayactir lagu sameeyo masaajidda iyo goobaha lagu barto diinta Islaamka.

"Waxaan diyaar u nahay inaan dib u dhis ku sameyno masaajidda oo aan dib ugu celinno sidii hore ee ay ahaan jireen," ayuu hadalkiisa raaciyay. Isagoo sheegay in hay'adoodu ay qorsheynayso inay 100 arday u qaadaan Turkiga si ay wax u soo baraan.

"Ardaydu waxay marka hore la bari doonaa Qur'aan, markaas kaddibna luuqadda, ugu dambeynna waxaa loo diri doonaa Imaam Hatip Schools si aqoonta islaamka loogu dhameystiro.

Mr. Tutkun ayaa sheegay in tirada ardayda Soomaaliyeed ee loo qaadayo dalka Turkiga la gaarsiin doono 250 xubnood inta uusan dhamaan sannadkan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya