Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo u mahadceliyay dadkii ka qayb-qaatay Dhisidda guriga agoonta ee Baladweyne (SAWIRRO)

Axad, September 18, 2011(HOL) Nairobi, Kenya - Xaflad si wanaagsan  loo soo agaasimay oo ay ka soo qeyb galeen dad weyne aad ubadan ayaa maanta lagu qabtay Hotel Kaah ee xaafada Easliegh ee magaalada Nairobi.

Dadkan ayaa ka jawaabay qado sharaf uu usameeyay Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif  Ugaas Rooble , waxaana markii la qadeeyay kadib uu furmay Xaflada oo uu furay Ustaad Adan Carab duur oo ahaa xiriiriyaha Barnaamijka marti qaadka.

Gudoomiyaha Jaaliyadda Xawaadle ee Kenya C/risaaq Sh Dhaqane oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay  in Xafladan iyo qadadan ay gaar u tahay Ugaaska oo uu ku marti qaaday dhamaan Jaaliyada dibadda.Waxaana uu Gudoomiyuhu uga mahadceliyay dhamaan dadki ka soo qeyb galay sida sharafta leh ay u ajiibeen uyeeristii Ugaaska.

Intaa kadib waxaa xaflada muxaadaro dheer oo ku saabsaneyd kaalmeynta agoonta ka soo jeediyay Al Ustaad C/raxmaan Maxamed Raage ( Xaynoof ) oo kamid ah aqoon yahanada Jaaliyada ee ku nool Magaalada Nairobi. Waxaana uu kula dardaarmay dhamaan intii ka soo qeyb gashay inay kaalmeeyaan Agoonta si ay uhelaan balan qaadka aakhiro ee uu rabi usameeyay.

Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble (Alaha xafidee ) ayaa lagu soo dhaweeyay hadalka waxaana uu Ugaasku ka hadlay Agoonta kujirta xarunta Ugaas Khaliif Ugaas Rooble iyo waqtiyadi ay soo mareen, isaga oo ilaahay uga mahadceliyay mudo 13 sano ah kadib in maanta ay ku jiraan daarweyn oo loo dhisay. Waxaa uu sidoo kale si kal iyo laab ah ugu mahadceliyay dhamaan intii gacan ka geysatay dhismaha xarrunta iyo kafaaladda carruurta.

Ugaaska ayaa tilmaamay  inuu aad ugu faraxsanyahay sida ay Jaaliyada dibada gaar ahaana Gabdhaha oo inta badan bixiyay qarashka lacagta lagu dhisay, waxana uu ilaahay uga baryay inuu kheyr uga abaal mariyo.

Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif waxaa uu balan qaaday sidii horayba loogu yaqiinay inuu sii wadi doono ugargaaridda iyo taakuleynta Carruurta, kamana daalidoono buu yiri Ugaaska inaan cod dheer bulshada ugu sheego inay agoonta xurmeeyaan oo ay caawiyaan.

Ugu dambeyntii Xaflada ayaa Ugaas C/raxmaan waxaa uu shahaado sharaf ka koobneyd Kitaab Qur’aan iyo Shahaado uu gudoonsiiyay 30 xubnood oo kamid ahaa dadkii kaalinta firfircoon.
kaqaatay dhismaha xarrunta Agoonta Ugaas Khaliif Ugaas Rooble ee Magaalada Beledweyne iyo Kafaalada Carruurta.

Dadka la siiyay Shahaadada ka sokoow waxaa si wada jir ah loo siiyo shahaado Sharaf Jaaliyadaha Canada, Australia, Newziland, Uk, USA , Norway iyo Holand.

Waxaana Shahaado Sharaf gaar ah la guddoonsiiyay mulkiilaha Hiiraan Online Axmed Xaaji Cilmi Guure oo uu Ugaasku ku tilmaamay inuu qayb lixaad leh ka qaatay sidii loo soo aruurin lahaa lacagta lagu dhisay xarunta xanaanada agoonta.

Ugu dambayntiina kulankan oo ahaa mid mahad-naq ah oo loogu ducaynayay dadkii ka qaybqaatay dhisidda xarunta xanaanada agoonta ee magaalada Beledweyne oo loogu magacdaray (allaha u raxmadee) Ugaas Khaliif Ugaas Rooble ayaa lagu soo gaba-gabeeyay jawi wanaagsan oo ay ku dheehnayd farxad.










Axmed Cabdisamad, Hiiraaan Online
[email protected]
Nairobi, Kenya