Axad, September 18, 2011 (HOL) — Shirkadda African Oil ayaa lacag dhan 35,000 $ oo dollar ugu deeqday dadka deegaankaasi ,si halkaasi looga hirgalayo mashaariic hormarineed oo bulshada faa'iido u leh ,iyadoo lacagtaasi lagu wareejiyay maamulka halkaa ka jira.
Gudoomiye ku xigeenka degmadaasi Bashiir Cabdi Xuseen ayaa sheegay in gudaha degmadaasi laga dhisi doono cisbitaal wayn si loogu daweeyo dadka xanuunada kala duwan qaba,iyadoo horay adeegyada caafimaad loogu soo doonan jiray magaalada Bosaaso ee xarunta gobolka Bari.
"Shir ay wada qaateen maamulka iyo waxgaradka ayaa go'aan lagu gaaray in lacagtaasi deeqda ah looga faa'idaysto cisbtaal loo dhiso bulshada halka ku dhaqan "ayuu yiri Bashiir Cabdi Xuseen oo la hadlay warbaahinta,isagoo tilmaamay in baahi dhinaca caafimaadka ah ay halkaa si daran uga jirto.
Waxaa kaloo Bashiir uu sheegay in degmada iminka ay ku sugan yihiin injineeradii dhisi lahaa cisbitalka si ay u qiimeeyaan qiimaha uu ku kacayo,waxaana qurbo joogta gobolka Bari uu ugu baaqay in ay ololahan ka qayb-galaan.
"Lacagtan maamulka ayaa la wareegay waxaana jira xiriiriye African Oil ka socda oo qiimaynaya sida lacagta loo maamulo"ayuu hadalkiisa ku daray ,isagoo u mahad celiyay cid kasta oo gacan ka gaysatay in deeqdan ay ka helaan shirkaddaasi oo fadhigeedu yahay dalka Canada ,balse shidaal baaris ka wadda deegaanada Puntland.
Sidoo kale masuulkan ayaa sheegay in ay jiraan qaybo ka dhimanaan doona cisbitalkan hadii la dhamaystiro,isagoo bulshada degmadaasi ka dalbaday in ay taageeraan qorshe kasta oo Ufayn lagu hormarinayo,iyadoo ay tahay markii ugu horaysay oo cisbitaal noocaan ah halkaa laga hirgalinayo.
Ugu danbayntii dhismaha cisbitalkan ayaa la aaminsanyahay in uu dabooli doono baahi badan oo xagga caafimaadka ah,taasi oo ka jirtay meelo kamid ah tuulooyinka la diriska halka laga hirgalinayo,waxaana dhici karta in loo baahdo dhaqaale ka badan inta hadda ay gacanta ku hayaan maamulka Ufayn.
Faysal Maxamed Hassan,Hiiraan Online
[email protected]
Bosaaso,Soomaaliya
Degmada Ufayn ee gobolka Bari oo markii horaysay yeelanaysa Cisbitaal dadka lagu daweeyo
More News
- Danjire Augustine Mahiga oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Toronto
- Xuska sanad guuradii Shanaad ee Maamulka Gal-mudug oo Magaalada Nairobi lagu qabtay (SAWIRRO)
- Wasiirka Ciyaaraha oo ku dhawaaqay wakhtiga ciyaaraha gobolada Somaliland bilaabmi doonaan
- Golaha Wakiillada Somaliland oo ku kala aragti duwanaaday ajande loo qaybiyey
- Wasiirka Kalluumaysiga oo sheegay in sanadkan ay soo xaraynayaan Dakhli dhan 3 millyan oo dollar
- Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo u mahadceliyay dadkii ka qayb-qaatay Dhisidda guriga agoonta ee Baladweyne (SAWIRRO)
- Rajadii mideynta qoysaska Somalida Sweden oo soo iftiimeysa
- Hay’adda cilmibaarista iyo wadatashiga CRD iyo Jaaliyadda Somalida oo qabatay kulan wadatashi ah (SAWIRRO)
- Deeq ay soo dhiibeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Malayisa oo laga qeybiyay Gobolka Shabeellada Hoose
- Dowladda Soomaaliya oo hay'adaha gargaarka u diidday inay tagaan goobaha ay Al-Shabaab ka taliso
- Burcadbadeed Soomaaliyeed oo sii daayay markab ay xeebaha Soomaaliya ku haysteen sideed bilood
- Dowladda Turkiga oo sheegtay inay dib u dhis ku sameynaysay masaajidda ku yaalla dalka Soomaaliya
- Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ka qeybgalay xaflad lagu qabtay Magaalada Washington (DAAWO SAWIRRO)
- Maxkamadda Ciidamada DKMG ah ee Soomaaliya oo dil ku xukuntay askar lagu eedeeyay dambiyo kala duwan
- Dood-cilmiyeed looga hadlayay hormarinta howlaha ururada Bulshada oo Muqdisho lagu qabtay (SAWIRRO)