Golaha Wakiillada Somaliland oo ku kala aragti duwanaaday ajande loo qaybiyey

Axad, September 18, 2011 (HOL)-Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta dood adag ka yeeshay ajandaha kalfadhiga 16naad ee golahooda horyaala.
 
Xildhibaanada golaha ayaa ku kala aragti duwan ajandaha loo qaybiyey, iyagoo mid waliba golaha ka soo jeediyey sida ay u kala muhiimsan yihiin qodobada laga doodayo, isagoo  mid waliba qodob uu u arko inuu yahay  muhiim soo horaysiiyey si looga doodo.

Xildhibaanada ka dooday  qodobada muhiimka ah ee ajandaha u noqonaya hawlmaalmoodka golaha ayey xildhibaanadu ku salaynayeen doodahooda, si wax ka bedel iyo kala horaysiin qodoba loogu daro ajandaha.
 
Kalfadhiga golaha waxa maanta hogaaminayey guddoomiyaha golaha, Md: Cabdraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), waxaanay dooda ka qaybqaatay tobaneeye xildhibaan.

Xildhibaanada dooda maanta ka qaybqaatay waxa ka mid ahaa:.
Xildhibaan Maxamed Cumar Aadan ayaa isagu ku dooday in ajandaha loo qaybiyey aanay muhiim ahayn in wax laga bedelo, isla markaana ku qanacsan yahay sida loo soo dhigay  “  ajandaha samaysan anigu waxba ka bedeli maayo, waayo waxaan u arkaa inay qodobadi ugu muhiimsana inay u kala horeeyaan”

“laakiin waxaan doonayaa in laba qodob oo yar yar aan ku daro oo ay ajandaha ka mid noqdaan,  Xildhibaanadu  waa in meelihii laga soo doortay ay tagaan, oo ay ka warhayaan, mashaakiilaadkooda soo qoraan si ay dawladu qorshaheeda ugu darsato.

Talabaad waxa jira marka uu xildhibaanku hawl ka gasho wasaarad in qolooyinka la shaqeeya sida askarta oo kale ay hor istaagaan, taasina ay tahay mid kalad ah marka waa in loo sheegaa oo wasaaradaha loo qaybiyaa inuu xildhibaanku yahay masuul qaranka” ayuu ku dooday Xildhibaan Maxamed Cumar.

Xildhibaan Cabdiqadir Askar, waxa uu isna ku dooday in ajandaha lagu daro

“ Qodobka Saxaafadu waa muhiim, waana ku raacsanahay xildhibaanada ka hadlay, guddida arrimaha bulshadu waan ku raacsanahay oo gacanta ayey ku haysay waa in lagu kordhiyo oo waliba ajandaha xaga hore lagaga daro, xeerka ciyaaraha oo kale oo waa xeer wax badan laga soo shaqeeyey oo kharash badani ku baxay.

Xeerka xuduudaha iyo goboladu waa muhiim, halka gobolada la magacaabay aanay xduud lahayn, meel ay maamulkoodu ku joogsadana aanu lahayn, degmooyinkii jiray uun baa lagu magacaabay uun” sidaas waxa ku dooday Xildhibaan Cabdiqaadir Askar
 
Isagoo hadalka sii wata waxa uu yidhi  “Waxa kale oo aan golaha usoo jeedin lahaa, telefishanka Qaranka dooda golaha ma siidaayaan, siminaaro iyo waxyaalo yaryar oo aan wax macno ah ku fadhiyin ayuu sii daayaa.

waajibaadka qaranka ayey ku jirta in waajibaadka Qaranka si toos ah usii daayo, maadaama oo mustaqbalka ummada lagaga hadlayo Golaha, taasi waa mid aan soo jeedin lahaa” ayuu yidhi
 
Xildhibaan Maxamed Barkhad Miigane, ayaa isna ku dooday in uu ajandaha lagu daro qiimaha nolosha danyartu hal ka ay marayso, maadaama oo ay noloshii qaali garowday, ummadii ina soo dooratayna ina sugayso

“Dadka badan ee dalkeena ku nool xaaladoodu meelbay marysaa markaa anigu qodobaan ku dari lahaa haddii layla qaato, markaa waxyaalaha masuuliyadeenuna tahay weeyaan waxaanan ku dari lahaa qiimaynta xaalada dhaqaale” ayuu ku dooday Xildhibaan Maxamed Barkhad Miigane.

Kalfadhigii golaha ee maanta ayaa waxa ay mudanayaashu si weyn ugu dooda ajandaha golaha ee ay ku shaqayn doonaan.
 
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland