Axad, September 18, 2011 (HOL) Wasiirka wasaaradda Kalluumaysiga iyo khayraadka badda Somaliland Md. Cabdilaahi Jaamac Cismaan Geel Jire, ayaa Sheegay in uu wax weyn ka bedelay siyaasadii wasaarada ee ku aadanayd khayraadka bada, isla markaana sanadkan laga rabo inuu soo xareeyo dakhli dhan saddex Milyan oo doolllar.
Wasiirku waxa uu sidaas ka sheegay mar uu maanta kulan xog waran ah xafiiskooda ku yeesheen guddida joogtada ee golaha Guurtida Somaliland.
Wasiirka Kalluumaysiga Somaliland, Cabdilaahi Geel jire waxa uu ka waramay waxyaalihii u qabsoomay intii uu xilka hayey iyo caqabadihii ka hor yimid, iyagoo ay xildhibaanada golaha Guurtida ee gudida joogtadu su’aalo ku qotoma shaqadiisa ku waydiiyeen.
“
Md: Geel jire isagoo ka waramaya shaqada wasaaradiisa waxa uu yidhi “ Waajibaadka wasaaraddu waa habsami u maamulka khayraadka badda iyadoo la raacayo siyaasada kalluumaysiga Qaranka.
Himilaada fog ee wasaaraddu waa in la helo deegaan badeed oo khayraad badan leh kana badbaadsan wasakhayn, kuna haboon isticmaalka dadka,”
Wasiirku isagoo hadalka sii wata waxa uu yidhi “ Sanadkan laga bilaabo xukuumadda cusub ee aan ka tirsan nahay siyaasadii hore waanu bedelay inkasta oo aanaan wali gaadhin halkii aanu rabnay,”
“Wasaaradan ugumaan iman xidhiidh toos ah oo ay la leedahay Haa’yadaha caalamiga ah isku soo wada duuboo waxaad moodaa inay ahayd wasaarad dayacan.”ayuu yidhi Wasiir Geel jire
Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in marar qaar amar wasaarada ka soo baxa aanay dadku fulin, isagoo tusaale usoo qaatay “Waxa jira amar aan anigu bixiyay oo ah inaan libaax badeedka la qabsan Karin oo aan loo qasdiyi Karin in laga kalluumayso. Wasaarada wax dakhli ah ugumaan iman, kalluumaysigana waa la mamnuucay haddana hoosta ayuu ka socday” ayuu yidhi
Waxa kale oo uu wasiirka kalluumaysigu ka hadlay Dakhliga sanadkan laga rabo inuu soo saaro “ Anaga sanadkan wasaarad ahaan sadex malyan oo dollar ayaa nalaga doonayay inaanu soo xarayno. waa wasaarada ugu badan ee soo haysa dakhliga ugu badan marka laga reebo wasaarad Maaliyadda.”
Wasiirku mar uu ka hadlayey kalluumaysatada wadaniga ah ee ay sharciyada siiyeen waxa uu yidhi “Kalluumaysatada dalka ee sharciyaysan wax lagu qiyaasaa 3 kun, laakiin 800 oo qof ayaa baddaha ku kalaha”
Wasiirka Kalluumaysiga waxa uu sheegay inay kalluumaystada wadanka ah ay haystaan qalab la’aan, taas oo ay u baahan yihiin tobabaro in la siiyo.
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland