Axad, September 18, 2011 (HOL) — Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa u diidday samafalayaal ajnabi ah inay tagaan goobaha ay Xarrakada Al-shabaab ka taliso, kaddib markii laba xubnood oo Turki ah la xiray muddo kooban kaddib markii ay gargaar bani'aadamnimo ka qaybiyeen xerada Aala-Yaasir oo ay maamusho Al-shabaab.
Inta badan hay'adaha gargaarka ayaa horay uga baqay inay goobahaas gobollada Koonfurta Soomaaliya, iyagoo ka baqdin qaba inay dhibaatooyin kala kulmaan xoogagga Xarakada Al-shabaab ee gacanta ku haya.
"Waxaanu doonaynaa in hay'adaha gargaarka ay caawiyaan ldadka ku dhibaateysan goobaha ay Al-shabaab ka taliso... balse ma doonayno inay la kulmaan madaxda Al-shabaab," ayuu yiri guddoomiyaha gobolka bbanaadir ahna duqa Muqdisho mudane Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan).
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan muddo kooban xabsi ku hayay laba ka mid ah samafalayaasha u dhashay dalka Turkiga ee Muqdisho, kuwaasoo raashin ka qaybiyay xero ku taalla deegaanka KM-50 ee gobolka Shabeellada hoose oo ay ka taliso Al-shabaab.
"Hay'adaha gargaarku waa inay ku wareejiyaan gargaarka hay'adaha maxaliga ah ama NGO-yada, kuwaasoo ka qaybin kara gargaarka goobaha ay ka taliso Al-shabaab," ayuu yiri duqa Muqdisho. "Dowladdu waxaa mas'uuliyadi ka saaran tahay shaqaalaha ajnabiga ah ee dalkan u yimid samofalka. Ma doonayno in dhibaato loo geysto. Maxay noloshooda khatar u gelinayaan?" ayuu hadalkiisa ku daray.
Dhul ballaaran oo ku yaalla Soomaaliya ayaa waxaa ka jira xilligan macluul sida ay sheegtay Qarammada Midoobay, waxaaan khatar ugu jirta in macluusha ay u dhintaan 750,000 qof, iyadoo boqolaal qof oo Soomaali ah ay maalin walba abaarta awgeed u dhintaan.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa Khamiistii iyo Jimcihii lasoo dhaafay is-hortaag ku sameeyay samofalayaal u dhashay dalka Turkiga iyo wariyeyaal ajnabi ah oo doonayay inay soo booqdaan goobaha ay ka taliso Xarakada Al-shabaab.
"Booliiska DKMG ah ee Soomaaliya waxay u diideen afar samafale oo Turki ah iyo shan wariye oo ajnabi ah Khamiistii iyo Jimcihii inay tagaan goobaha ay ka taliso Al-shababa," ayuu yiri xiriiriyaha gargaarka bani'aadamnimo ee dowladda Soomaaliya Maxamuud Daahir Faarax (Qoolleey).
"Xukuumadda waxay dhowraysaa ammaankooda, dadka ajnabiga ah looma ogolaan doono inay tagaan goobaha ay ka taliso Al-shabaab illaa madaxda sare ee DKMG ah ay bixiyaan go'aan ay ku booqan karaan," ayuu hadalkiisa ku daray.
Dowladda Soomaaliya ayaa waxay colaadi kala dhexeysaa Xarakada Al-shabaab oo ka talisa inta badan gobolada Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, inkastoo ay Al-shabaab bishii hore isaga baxday qaybo badan oo Muqdisho ka tirsan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya