
Axad, September 18, 2011(HOL): Sida aan ka soo xiganay Wargeysa thelocal.se ee ka soo baxa dalka
Qorshahan lagu mideynayo qoysaska Soomaalida oo ay horay ugu heshiiyeen xisbiga talada dalka Sweden haya ee Moderate Party iyo Xisbiga Green Party ayaa wuxuu hadda u muuqdaa mid dar dar la soo baxaya, iyadoo rajo wanaagsan laga qabo in heshiiskan uu Baarlamaanka si sharci ah uga gudbo.
Labadan Xisbi ee Moderate Party iyo Green Party ayaa horraantii sanadkan 2011 waxay ku heshiisyeen in Qoysaska Soomaalida la isu keeno, iyagoo isla gartay in caqabadda aqoonsi la’aantana lagu xaliyo in DNA laga qaado caruurta iyo waalidiinta Soomaalida.
Arrinta mideynta qoysaska, gaar ahaan kuwa Soomaalida ayaa waxay hakad gashay ilaa iyo xagaagii sanadkii 2010, waxaana taasi ugu wacnaa Dowladda Sweden oo adkeysay sharciyada lagu mideynayo qoysaska Soomaalida sabab la xiriirta in aaney jirin caddeymo lagu qanci karo oo ay dadka Soomaaliyeed leeyihiin maadaama ay muddo 20 sano ka badan ay dowlad la’aan soo ahaayeen.
Kumanaan kun oo qoysas Soomaaliyeed ah ayaa arrintan hakinta mideynta qoysaska darteed waxay ku galeen xerooyin qaxooti oo ku yaalla bariga Afrika, iyadoo haatan ay ka jiraan Bariga Afrika abaaro dadkii iyo duunyadii galaafatay, haba ugu sii darnaatee Dalka Soomaaliya oo abaarta ay u wehliso nabad la’aan.
Isbedel sharciyeedkan laga rajenayo Dowladda
Sanadkanka soo socda ee 2012 ayay Dowladda 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online