Maxkamadda Ciidamada DKMG ah ee Soomaaliya oo dil ku xukuntay askar lagu eedeeyay dambiyo kala duwan

Axad, September 18, 2011 (HOL) — Maxkamadda ciidammada DKMG ah ee Soomaaliya ayaa 14-askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ku xukuntay dil toogasho, kaddib markii lagu eedeeyay intooda badan inay dil geysteen, halka mid ka mid ah lagu eedeeyay inay kufsi u gueystay haweeney ka mid ah dadkii soo barakacay.

Xukunkan oo ka dhacay xarunta maxkamadda shalay gallinkii dambe ayaa waxaa toddoba askari oo ka mid ciidamada waxaa lagu eedeeyay inay sarkaal dowladda ka tirsan u geysteen dil kaddib markii ay ku weerareen gurigiisa taariikhdu markii ay ahayd 15-kii Juun 2011.

Askari la socday toddobadan askari ayaa la sii-daayay kaddib markii lagu waayay wax dambi ah, waxaana askarigan la sheegay inuusan hubeysayn, isla markaana uu ahaa mid la khasbay.

Sidoo kale, maxkamaddu waxay dil toogasho ku ridday lix askari oo kale, kuwaasoo la sheegay inay iyaguna dileen askari dowladda ka tirsan oo ugu tagay isbaaro ay ku lahaayeen degmada Wadajir taariikhdu markii ay ahayd 22-kii November 2011.

Askariga kale ee xukunka lagu riday ayaa la sheegay inuu fal kufsi ah u geystay mid ka mid ah haweenka barakac ahaata kusoo gaaray Muqdisho, iyadoo sidoo kalena lagu xukumay haweeneydii la kufsaday in lagu dhufto 100 jaydal.

Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada DKMG ah ee Soomaaliya G/sare Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo saxaafadda la hadlay xukunnadan kaddib ayaa sheegay in xukunnada maxkamaddu ay yihiin kuwo waafaqsan sharciga, wuxuuna iska fogeeyay eedeymo horay uga yimid hay'adaha xuquuqda aadanaha, isagoo ku tilmaamya wararkooda kuwo aan sax ahayn.

Dhanka kale, wuxuu sheegay in maxkamadda ay jirto muddo sannad ka badan ayna fulisay toddoba xukun oo dil ah, kuwaasoo lagu fuliyay askar geystay dilal kala duwan, isagoo sheegay in askari walba oo fal dil ah ku kaca uu mudan doono dil.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya