Axad, September 18, 2011 (HOL) — Dood-cilmiyeed ku saabsan qaabka loo hormarin karo adeeg howleedka Ururada Bulshada ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan xarunta degmada Boondheere, kaasoo ay ka qeyb galeen qeybaha Ururada Bulshada Rayidka deegaanada Banaadir.
Dood-cilmiyeedkan oo ay soo qaban qaabisay Hey'adda Wada hadalka Bulshada ayaa ahaa kii saddexaad oo ay Hey'addu ku qabato degmada Boondheere, isla markaana mudnaanta ku siisay inay aheyd degmadii u horeysay oo laga saaray Al-Shabaab ee Gobolka Banaadir.
Gudoomiyaha Dallada Ururada Bulshada rayidka deegaanka Banaadir Muxiyadiin Xasan Afrax ayaa sheegay in Hey'adda CCD ay uga mahad celinayaan tallaabada ay qaaday ee ah inay degmooyinka ugu qabatay Bulshada siminaaro, gaar ahaan degmada Boondheere.
Muxiyadiin Xasan Afrax ayaa sheegay in kaalinta bulshada ay tahay mid cad, isagoo xusay in Al-Shabaab ay bixisay Bulshada, isla markaana sababta kaliftay in Al-Shabaab laga bixiyo degmooyinka Gobolka Banaadir ay aheyd in bulshadu ka guuraan meelaha ay joogeen, taasoo keentay in degmooyinka lagu garaaco.
"Shabaab inay bulshada bixisay waa cadahay, maxaa yeelay meel Shabaab bulshada waa ka guurtay, sidaas ayaana keentay in degmooyinka laga baxsho"ayuu yiri Nabadoon Muxiyadiin Xasan Afrax oo ugu baaqay bulshada degmada Boondheere inuu iskaashi dhex maro, nadaafadii iyo bilicdii ay laheyd degmada la soo celiyo.
Xildhibaan Xuseen Caraale Cadaan ayaa uga mahad celiyay Hey'adda CCD sida mar walba ay Umada Soomaaliyed ula garab taagan tahay sidii horumarin iyo nabad u gaari laheyd, isagoo cadeeyay in degmada Boondheere ay tahay degmadii u horeysay ee mudnaan gaar ah loo siiyo, sida loogaga saaray Al-Shabaab.
Waxaa uu ugu baaqay shacabka degmada Boondheere inay nabada ka shaqeeyaan, isla markaana soo dhoweeyaan dadka ku soo laabanaya, waxaana uu xusay in qeybaha bulshada sida dhalinyarada, haweenka iyo waxgaradka ay gacan ka geystaan, sidii Alshabaab looga hortagi lahaa, lana farmuuqi lahaa kuwa isku qarinaya xaafadaha.
Gudoomiyaha Ururka Haweenka Hanad Ruqiyo Cali Cabdulle oo ka hadashay dood cilmiyeedka ayaa sheegtay in bulshada ay dib u soo celin karaa adeeg howleedka, isla markaana la bilaabo howlo iskaa wax u qabso ah, si nadaafada looga shaqeeyo, bilicdana la soo celiyo, iyadoo ka dhawaajisay in degmada Boondheere ay tahay degmada ay bur buriyeen Al-Shabaab, ahna degmadii ugu horeysay ee laga bixiyay.
Sidoo kale waxaa siminaarka ka hadlay Abuukar Gadaf oo ah Gudoomiyaha Dhalinyarada ee Dallada Ururada Bulshada Rayidka, waxaana uu uga mahad celiyay Hey'adda barnaamijyada ay sare ugu qaadeyso bulshada ee ay dib ugu abuureyso nabada, waxaana uu xusay in CCD ay tahay horyaalka bulshada.
Abuukar Gadaf ayaa tibaaxay in dhalinyarada la marin habaabiyay jidka ugu haboon ee lagu wacyi gelin karo ay tahay in loo furo xero, lana hanuuniyo, waxaana uu tilmaamay in dhalinyarada qaar ay u baahan yahay in la xanaaneynayo, maadaama ay yar yihiin, isla markaana ay jiraan caruur yar yar oo maskaxda laga qalday.
Dood-cilmiyeedkan ayaa ka qeyb galayaasha oo isugu jiray, haween, odayaal, dhalinyaro iyo culumaa'udiin ayaa koox koox loogu qeybiyay ilaa lix Group, waxaana ay si weyn u falanqeeyeen lix qodob oo ahaa ajandaha dood cilmiyeedka, kaasoo ahaa mid lagu darsayay sida bulshada ay dib u hormarin karo adeega guud, iyo in degmada sameyso abaabul xaafadeedyo si nadaafada iyo bilicda looga shaqeeyo, amniga oo la adkeeyo, iyo in deriseynta iyo tira koob la sameeyo, si aanay u dhicin in dadka is qarinaya ay falal amni daro uga geystaan.