Axad, September 18, 2011 (HOL) — Jaaliyadda Soomaalida ee dalka Maleysia ayaa deeq gaarsiisay boqolaal qoys oo ka mid ah kuwa abaaraha iyo macluusha ay saameeysay oo ku nool gobolka Shabellaha Hoose.
Deeqdan oo loosoo wakiishay hay'adda Somali Aid ayaa loo gaarsiiyay qoysas ku nool tuulada Gol-weyn ee gobolka Shabeellada Hoose oo ay abaaruhu ku habsadeen.
Sarakiil dhanka gargaarka u qaabilsan hay'adda Somali Aid ayaa qoysaska oo gaaraya 200 mid-mid ugu qeybiyay deeqda loosoo wakiishay iyadoo qoyskiiba uu helay 25-kg oo bariis ah, 25-kg oo bur ah, iyo saddex liiter oo saliid ah.
Kaddib markii ay soo gabagabowday qeybinta deeqda oo loo bixiyay sidii loogu talagalay ayaa qaar ka mid ah qoysaska raashinka qaatay oo ay ku jireen wayeello tabar daran oo isku biirsaday gaajo iyo da' ayaa u mahad-celiyey jaaliyadda deeqda soo dhiibtay iyo hay'ada loosoo wakiishay, iyagoo ugu baaqay jaaliyadaha kale ee Soomaalida inay ku daydaan jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Malaysia.
Tuulada Gol-weyn ayaa ka mid ah deegaannada ay ku dhufatay abaaraha iyo macluusha aafeeyay qeybo badan oo ka mid ah gobollada Soomaaliya taasoo gaartay heer dad badani gaajo iyo haraad u dhintaan.
Si kastaba ha ahaatee, jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Maleesiya ayaa ka qayb qaadaneysa samata-bixinta Soomaalida abaarta ay sameeysay, bishii lasoo dhaafay ayay ahayd markii deeq sidan oo kale oo ay u soo wakiisheen hay'adda Somali Aid ay soo gaarsiyeen qoysas qaba cudurka juudaanka oo ay abaartu ku sameeysay degaanka Baladul-raxma ee isla gobobolka Shabeellada hoose.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya