Burcadbadeed Soomaaliyeed oo sii daayay markab ay xeebaha Soomaaliya ku haysteen sideed bilood

Axad, September 18, 2011 (HOL) — Kooxaha burcad badeedda Soomaaliyeed ayaa sii daayay markab muddo ay gacanta ku hayeen ,kaasi oo laga lahaa wadanka Vietnam,iyadoo markabkaasi horay looga qabsaday xeebaha dalka Cumaan ,waxaana uu gacanta ugu jiray muddo sideed bilood ah.

Wakaaladaha wararka ee qaar ayaa shaki galiyay in ay jirto lacag madax furasho oo ay qaateen kooxahaasi marakabka gacanta ku hayay ,waxaase la aaminsanyahay in burcadda oo  faraman aysan bilaash ku sii dayn ajaanibtaasi.

Shaqaalihii saarnaa markabkaasi oo gaarayay 20-ruux ayaa la sheegay in xaaladooda caafimaad ay bad-qabto,waxaana markabkaasi uu baroosinka dhigtay dekedda Salalah ee wadanka Cumaan ,iyaga oo halkaasi ka sii tagi doono marka ay ku nastaan.

Halka ay markii hore burcad badeeddu ka qabsadeen markabkaasi ayaa 520-Mile koonfur bari kaga beegan caasimada dalkaasi ee Muscut,mana jiro wax war ah oo ilaa iyo hadda ka soo baxay maamulka shirkaddii iska lahayd markabkaasi.

Kooxaha Burcad badeedda Soomaaliyeed ayaa sii kordhiyay afduubyada ay ka gaysanayaan xeebaha ka baxsan Soomaaliya ,iyadoo wali uu socdo howlgalka ay wadaan dalalka ku bahoobay NATO ee burcadda la dirira ,inkastoo ay jiraan dhowr weerar oo ay fashiliyeen.

Faysal Maxamed Hassan,Hiiraan Online
[email protected]
Bosaaso, Soomaaliya