Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ka qeybgalay xaflad lagu qabtay Magaalada Washington (DAAWO SAWIRRO)


Axad, September 18, 2011 (HOL) — Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali ayaa ka qeybgalay xaflad ay jaaliyadda Soomaalida ku qabteen magaalada Washington ee dalka Mareykanka.

Xafladan ayaa waxaa ka qaybgalay Soomaalida daggan Virginia iyo Washington DC, waxaa goobta ka hadlay qaban-qaabiyeyaashii xafladda, C/qaadir Aadan Cadde, xildhibaanad Faadumo C/llaahi Insaniya iyo ra'iisul wasaaraha iyagoo jeediyay khudbado dhaadheer.

Ra'iisul wasaaraha C/weli Gaas ayaa qurbo-joogta kala hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin horumarka amniga, gargaarka bani'aadanimo iyo siyaasadda. Ra'iisul wasaaraha wuxuu sheegay in Al-Shabaab si awood leh looga saaray Muqdisho, DKMG ahna ay dajisay qorshe lagu xasilinayo caasimadda dalka oo uu xusay in mudnaanta la siiyay sidii goobihii ay ka baxeen Al-shabaab loo xasilin lahaa looguna sameyn lahaa maamulo iyo sidii shacabka tabaaleysan loo gaarsiin lahaa gar-gaarka.


Mudane C/weli Gaas oo ku dheeraaday arrimaha gargaarka bani'aadanimo ayaa sheegay in heerka macluusha uu yahay kii ugu xumaa 60-kii sano ee lasoo dhaafay. Isagoo sheegay in caalamku ay kasoo jawaabeen baaqii dowladda KMG Soomaaliya ee ku aaddanaa in gargaar loo fidiyo dadka dhibaateysan, hase yeeshee baaxadda barakacayaasha ayuu ku tilmaamay inay yihiin kuwo u baahan gargaar joogta ah iyo qorsheyaal mustaqbalka dhow iyo kuwa fog, si looga hortago inay macluushan oo kale soo noqoto, oo uu sheegay in loo baahanyahay in mashaariic horumarineed loo abuuro shacabka Soomaaliyeed.

Ra'iisul wasaaraha ayaa sheegay in booqashadii uu madaxweynaha iyo isaguba ku tageen Puntland iyo tii uu isagu uu ku tagay Galmudug ay ahaayeen booqashooyin muhiim ah oo xoojisay xiriirka iyo wadashaqeynta dowladda dhexe iyo maamulada dalka ka jira.

Ugu dambeyn mudane C/weli Gaas waxuu ku tilmaamay guul taariikhi ah kulankii wadatashiga ee ka dhacay Muqdisho 4 - 6 bishan oo uu sheegay in Soomaalidii isugu timid ay muddo saddex cisho ah ku qabteen howlo muhiim u ah dalka, isla markaana la isku af-gartay qorshe-howleedka la rabo in la fuliyo halka sano ee soo socda.







Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya