4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 11, 2019
Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo magacaabay guddi ka soo talo-bixiya waddooyinka xiran ee Muqdisho

Arbaco, September, 11, 2019 (HOL)- Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa caasimadda Muqdisho,Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa magacaabay guddi ka soo tallo-bixinaya waddooyinka xiran ee caasimadda Muqdisho.

Guddiga uu magacaabay oo ka kooban toddobo xubnood ayaa waxaa guddoomiye u ah guddoomiye kuxigeenka Amniga gobolka Banaadir, halka ay xubno ka yihiin Taliyeyaasha Booliska iyo Nabadsugidda gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha ayaa munaasabadda uu xilka kula wareegay khudbad uu ka jeediyay, wuxuu ballanqaaday inuu dadaal galin doono sidii la isugu furi lahaa caasimadda Muqdisho oo inta badan ay cabasho ka timaado jidad badan oo muhiim ah oo u xiran hay'adaha dowladda iyo kuwa gaar ah.

Waddooyinka ayaa xirnaashiyahooda waxaa inta badan loo sababeeya amniga, waxaana oo loo arkaa arrin aad fududeyn in laga qaado dhagaxaanta lagu xiray waddooyinka qaar ee muhiimka u ah isku socodka caasimadda Muqdisho.

Hoos ka akhri guddiga oo magacaabay guddoomiyaha G/ Banaadir;


Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]