4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 11, 2019
Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Dhagax Dhigay Dhismaha Isbitaalka Xudur Iyo Guriga Martida


Arbaco, September, 11, 2019 (HOL)-  Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ,Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Xudur ee xarunta gobalka Bakool ka dhagax dhigay dhismayaasha Isbitaalka guud ee Xudur iyo Hoyga martida oo laga dhex dhisayo xarunta gobalka Bakool.

Istibaalka Xudur oo dhismihiisu uu qayb ka yahay qorshaha horumarinta caafimaadka, ayaa marka dhismaha lagu dhameeyo, lana qalabeeyo waxaa ka faa’iideysanaya bulshada deegaanka oo dhibaata ku qabay helidda daryeel caafimaad, daweynna u doonan jiray magaalooyin fog oo Muqdisho ay kamid tahay.

Bulshada ku nool magaalada Xudur, maamulka gobalka Bakool iyo kan degmada Xudur oo markii Ra’iisul Wasaaraha soo gaaray magaaladaan ka codsaday in dowladdu wax badan ka qabato baahiyaha caafimaad, ayaa ka mahad celiyay dhagax dhigga mashruuca lagu dhisayo Isbitaalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale xarigga ka jaray mashruuc nalalka cadceedda ku shaqeeya oo laga hir-geliyay waddada isku xirta garoonka diraaradaha iyo xarunta gobaka Bakool, waxa uuna dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed ku wareejiyay lacag lagu casriyeynayo garoonka kubbadda cagta Dr. Waaberi oo Ra’iisul Wasaaruhu maalin kahor ballan qaaday horumarintiisa.

Ra'iisul wasaare Khayre, ayaa booqashadii u horreysay ku jooga gobolka Bakool, iyada oo himilooyinka tubta horumarinta arrimaha bulshada oo qayb ka ah afarta tubood ee qaranka, ayaa waxaa qayb ka ah hir-gelinta adeeg caafimaad oo tayo leh oo lacag la’aan ah iyo sameynta mashaariic lagu horumarinayo dhallinyarada Soomaaliyeed.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan.com
[email protected]