Madaafiic dhowr ah oo ku soo dhacay Agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya

 

Arbaco, September, 11, 2019 (HOL)-Abaare Salaadii Duhur ee maanta ayaa qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafaddaha ku dhaw dhaw Madaxtooyada Soomaaliya waxaa ku soo dhacay madaafiic dhowr.

newsinsideGoobjoogayaal ayaa sheegaya in ilaa saddex madfac ay  ku dhaceen hareeraha Madaxtooyada, mid ka mid ah madaafiicda ayaa ku dhacay agagaarka  Safaaradda Itoobiya ku leedahay xeyndaabka Madaxtooyada.

Madfac kale ayaa ku dhacay halka lagu magacaabo Kaambada oo ku dhegan Xarunta Taliska Booliska ee Commando Polizio.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Madfac kale uu ku dhacay Xaafada Caga Dhiig, madaafiicdan ayaa  soo dhacay abaarihii xilligii salaaddii duhur, iyadoo laga maqlay qeybo  ka mid ah magaalada Muqdisho.

Ilaa hadda lama sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay madaafiicdan lagu tuuray qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka xarunta madaxtooyada Soomaaliya, waxaana inta badan madaafiicda hoobiyeyaasha sheegta Ururka Al-shabaab ee dagaalka kula jira dowladda Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]     
  

 

 

 
 

More News