Arbaco, September, 11, 2019 (HOL)-Wasiirka Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka iyo Dhismaha ee DDS C/fataax Sheekh Biixi ayaa mar su'aalo laga waydiiyay dhanka arrimaha dhulka ku saabsan sheegay in ay jiraan dilaaliin dadka ku dhex jira oo si sharci darro ah ku shaqaysta, islamarkaana dadka ka iibiya dhul aan sharci ama Master Plane lahayn.
newsinsideWasiirka ayaa amar ku bixiyay in qofkii iibsada dhul aan
sharci lahayn, uu wixiisu noqonayo waxba kama jiraan. qofkana looga
baahan yahay inuu iibsado dhul uu sharcigiiisu u dhamaystiran yahay.
Arrimaha
dhulka khuseeya ayaa inta badan ah kuwo ay dhibaato badan ka timaado
isla markaana dadku ay isku qabsadaan taas oo marka dambe keenta in la
isku dilo.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]