4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 11, 2019
Denmark oo xukun ku ridday , carruurtana ka qaadatay Hooyo Soomaali ah

Arbaco, September, 11, 2019 (HOL)- Dowladda Denmark ayaa kala wareegtay Hooyo Soomaaliyeed lix carruur ah oo ay dhashay, waxaana ay maxkamaddi ku riddiy  xabsi sannad iyo sagaal bilood.

Maxkamadda ayaa sidoo kale amartay marka ay haweenayda dhammeysato xabsiga in laga saaro Denmark oo aysan ku soo laaban karin muddo 12 sanno ah.

Kiiska haweenayda ayaa billowday markii la sheegay mid ka mid ah carruurta inuu la xiriiray booliska oo uu ku wargeliyay inay hooyadiis dishay, waxaana dhammaan carruurta lagu wareejiyay qoysas caddaan ah.

Saciid Cabdi Cali oo ay gabadha xigto yihiin, kuna sugan dalka Denmark oo kiiska gabadhan ka hadlay ayaa sheegay inay wali ku guda jiraan garyaqaanno, lana waayay caddeymo la xiriira carruurta in la jirdilay. Waxaa kalo uu caddeeyay haweenayda inay heysato jinsiyada Soomaaliya, carruurtana ay la mid yihiin.

"Waxaan ugu baaqaya dowladda Soomaaliya iyo bulshada Soomaaliyeed inay u guntadaan marna inan la aqbalin haddii la soo celinayo gabadha in iyada iyo carruurteeda lakal reebo, intaas ayaan codsanaya." ayuu yiri Saciid Cabdi  oo la hadlay VOA-da.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]