9/23/2019
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 11, 2019
Olole ka dhan ah xaalufinta deegaanka oo ka biloowday gobollada Sool iyo Sanaag


 

Arbaco, September, 11, 2019 (HOL)-Hal ruux ayaa ku dhaawacmay tiro kalena waa la qabqabtay dhuxulaysato duulaan lagu qaaday degaano kala duwan oo ka tirsan koonfurta Sanaag iyo waqooyiga Sool.

Ololaha lagula dagaalamayo dhuxulaysatada ayaa lagu go'aamiyey shir dhowaan ka dhacay tuulada Damala-xagare, kaas oo ay beelaha degaankaasi ku go'aansadeen in la badbaadiyo degaanka.

"Hawlgalkan waa mid la doonayo in lagu badbaadiyo dhulka soolka ah ee u dhexeeya gobolada Sool iyo Sanaag, waxaan laysla gartay in cidii lagu dilo aan laysu raacin, waxaana kuu sheegayaa waa cadow duulaan ku ah dad iyo duunyoba" sidaana waxaa HOL u sheegay Xidig Maxamed Ismaaciil oo ka mid ah odayaasha degaanada haatan laga hawl bilaabay.
 
Hawlgalkan oo dhaliyey iska hor imaad hubaysan ayaa maanta waxaa ku dhaawacmay hal qof waxaana la qabtay sida Xidig noo sheegay illaa afar gooboodna waa la baabiiyey.
 
Waxaa si wadajir ah hawshan u fulinaya ciidnka Booliska, Milateriga iyo ciidan beeleed wadajira.
Degaanada haatan hawshu aadka uga socoto ayaa ah Fiqifuliye oo gobolka Sanaag ah iyo Kulaan oo Gobolka Sool ka tirsan degaano hoos yimaada.

Maaha  markii ugu horeysey ee hawlgal noocan ah laga fuliyo degaanadaas oo hoy  u noqday kuwa warjeefa dhirta qoyan, waxaase lays weydiinayaa inta uu  sii socon doono maadaama ciidamadani aanay haysan dhaqaale u saamaxay  joogtaynta illaalinta degaanka, waana ta sababtay in ay soo nonoqto  dhuxulaysatadu
 
Seynab Cabdi Warsame
Laascaanood G. Sool
 
 
 










Click here
9/11/2019 5:04 PM EST
Arbaco, September, 11, 2019 (HOL)- Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa caasimadda Muqdisho,Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa magacaabay guddi ka soo tallo-bixinaya waddooyinka xiran ee caasimadda Muqdisho.

9/11/2019 4:55 PM EST
Arbaco, September, 11, 2019 (HOL)- Maxkamadda Caddaaladda ee Caalamiga ah ayaa ku dhawaaqday taariikhda xiritaanka dhageysiga dadweynaha ee muranka badda ee u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya.

9/11/2019 4:43 PM EST
Arbaco, September, 11, 2019 (HOL)- Dowladda Denmark ayaa kala wareegtay Hooyo Soomaaliyeed lix carruur ah oo ay dhashay, waxaana ay maxkamaddi ku riddiy xabsi sannad iyo sagaal bilood.

9/11/2019 4:28 PM EST
Arbaco, September, 11, 2019 (HOL)- Dalka Rwanda ayaa noqday waddankii labaad ee Afrika oo oggaaladay inay qaabisho boqollaal magangalyo doon ah oo ku jira xeryo ku yaalla dalka Libya,kaddib markii horey dadkaas qaar ka mid ah la geeyay dalka Niger.

9/11/2019 4:25 PM EST
Arbaco, September, 11, 2019 (HOL)- Puntland ayaa maanta soo saartay amarro lagu xasillinayo magaalada xarunta ah ee Garoowe.

9/11/2019 3:25 PM EST
Arbaco, September, 11, 2019 (HOL)- Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa maanta booqasho ugu tegay ciidamada xoogga dalka ee qeybta ka qaatay xoreynta Xudur, Ciidamo ka tirsan Koonfur Galbeed iyo ciidamo tababar kasoo baxay, oo la qarameynayo si ay qayb uga noqdaan ciidanka xoogga dalka ee loo qorsheynayo xoreynta deegaannada argagaxisadu uga sugantahay gobalka Bakool.

9/11/2019 3:13 PM EST
Arbaco, September, 11, 2019 (HOL)- Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ,Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Xudur ee xarunta gobalka Bakool ka dhagax dhigay dhismayaasha Isbitaalka guud ee Xudur iyo Hoyga martida oo laga dhex dhisayo xarunta gobalka Bakool.

9/11/2019 3:01 PM EST
Arbaco, September, 11, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo labadii toddobaad ee ugu dambeysay socdaal ku joogay dalalka Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada xarunta ah ee Garoowe, halkaa oo lagu soo dhaweeyay.

9/11/2019 11:24 AM EST
Arbaco, September, 11, 2019 (HOL)-Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa taageeray go'aan Odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan isku hortaageen ciidamo dowladdu qorsheysay in laga qaado magaalada Beledweyne lana geeyo degmada Dhuusa-Mareeb ee gobolka Galguduud.

9/11/2019 10:26 AM EST
Arbaco, September 11, 2019 (HOL) –974 arday ayaa maanta ka qallinjabiyey jaamacadda Camuud xarunteedda magaalada Boorama ee gobolka Awdal.

9/11/2019 6:35 AM EST
Arbaco, September, 11, 2019 (HOL)-Wasiirka Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka iyo Dhismaha ee DDS C/fataax Sheekh Biixi ayaa mar su'aalo laga waydiiyay dhanka arrimaha dhulka ku saabsan sheegay in ay jiraan dilaaliin dadka ku dhex jira oo si sharci darro ah ku shaqaysta, isla markaana dadka ka iibiya dhul aan sharci ama Master Plane lahayn.

9/11/2019 6:21 AM EST
Arbaco, September, 11, 2019 (HOL)-Abaare Salaadii Duhur ee maanta ayaa qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafaddaha ku dhaw dhaw Madaxtooyada Soomaaliya waxaa ku soo dhacay madaafiic dhowr.

9/11/2019 5:57 AM EST
Arbaco, September, 11, 2019 (HOL)-Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa magaalada Addis Ababa kulamo kula leh kooxda wada hadalka deyn cafinta u qaabilsan hey’adda Lacagta Aduunka (IMF) waxaana laga wada xaajoonayaa Wajiga afaraad ee Barnaamijka deynta cafinta Soomaaliy (SMP4),

9/11/2019 5:49 AM EST
Arbaco, September, 11, 2019 (HOL)-Kaddib kulan magaalada Muqdisho ay ku yeesheen mas'uuliyiinta ganacsatada gobolka Banaadir, ayeey ka soo saareen war-saxaafadeed la xiriira lacago looga qaado dhismaha Waddooyinka magaalada Muqdisho oo si qaldan loogu takrifalo.

9/11/2019 1:47 AM EST
Arbaco, September, 11, 2019 (HOL)- Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Soomaaliya Cabdullaahi Cali Xassan iyo wasiirada maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ee dalka Masar, Saxar-Nasar waxaa ay qalinka ku duugeen heshiiska isfahamka maalgashiga wada-jirka ee labada dal.

9/11/2019 1:33 AM EST
Arbaco, September, 11, 2019 (HOL)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo uu wehlinayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed Lafta Gareen ayaa kulan ayaa kulamo ka wada degmada Xudur ee gobolka Bakool oo maalintii shalay uu gaaray.

9/11/2019 1:17 AM EST
Arbaco, September, 11, 2019 (HOL)-Weerar mas'uuliyadiisa ay sheegteen Ururka Al-shabaab oo ka dhacay dulleedka degmada Mandheera ee gobolka Waqooyi Barri ayaa lagu waramayaa in lagu dilay tiro ka mid ah askarta ciidamada Kenya.

9/11/2019 1:03 AM EST
Arbaco, September, 11, 2019 (HOL)-Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo ka qeyb-galay Shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda ee dalalka ku bahoobay Jaamacadda Carabta ayaa shir guddoonka Shirkaasi ku wareejiyay dhigiisa dalka Ciraaq Maxamed Cali Xakiim.