Arbaco, September, 11, 2019 (HOL)-Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa magaalada Addis Ababa kulamo kula leh kooxda wada hadalka deyn cafinta u qaabilsan hey’adda Lacagta Aduunka (IMF) waxaana laga wada xaajoonayaa Wajiga afaraad ee Barnaamijka deynta cafinta Soomaaliy (SMP4),
Waxaa si gaar ah kulanka looga eegayaa wixii Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ay ka qabatay sadaxdii bil ee la soo dhaafay shuruudaha ku xeran wada hadalka deynta cafinta wajiga afaraad, Wada hadalka ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ah Wasiirka Qordheynta Xukuumadda Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Bankiga Dhexe
Inta uu socdo shirka Wasiir Beyle iyo wafdigiisa waxaa ay kulama gooni gooni ah la qaadan doonaan madaxda hey’addaha dhaqaalaha caalamka iyo qaar ka mid ah wadamada deymaha kuleh Soomaaliya waxaana kulamadaasi looga hadlayaa sidii Soomaaliya looga cafin lahaa deymaha lagu leeyahay…
Wasiirka Maaliyada Beyle ayaa raja wanaagsan ka muujiyay wada hadalka ay la galayaan IMF iyo guud ahaan in Soomaaliya laga cafiyo deymaha lagu leeyahay marka uu soo gabagaboobo Wajiga afaraad ee wada xaajoodka deyn cafinta.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online[email protected]