
Arbaco, September, 11, 2019 (HOL)- Dalka Rwanda ayaa noqday waddankii labaad ee Afrika oo oggaaladay inay qaabisho boqollaal magangalyo doon ah oo ku jira xeryo ku yaalla dalka Libya,kaddib markii horey dadkaas qaar ka mid ah la geeyay dalka Niger.
newsinsideXaaladda nabadgalyo xumo iyo dhibaatooyinka ka dhacaya Libya ayaa ku qasbay Qaramada Midoobay inay raadiso waddamo kale oo la geeyo dadka magangalyo doonka ah ee doonayay inay gaaran Yurub.
Rwanda ayaa ku oglaatay qaabiladda qaxootigan heshiis ay shalay magaalada Addis Ababa kula gaartay hay’adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR iyo Midowga Africa, islamarkaana fulintiisa uu maal-gelinayo Midowga Yurub.
Qeybta ugu horreysa oo ah 500 oo qof, oo ay ku jiraan caruur iyo haween u badan kuwa ka soo jeeda Geeska Africa ayaa loo daad gureynayaa Rwanda toddobaadyada soo socda,sida uu sheegay safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub, Cali Saciid Fiqi.
[email protected]