4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 11, 2019
Deni oo socdaal ku tagey Itoobiya iyo Imaaraadka oo dib ugu laabtay Garoowe


Arbaco, September, 11, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo labadii toddobaad ee ugu dambeysay socdaal ku joogay dalalka Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada xarunta ah ee Garoowe, halkaa oo lagu soo dhaweeyay.

Socdaalkaa waxaa lagu sheegay inuu guul ku soo dhammaaday, sida uu yiri afhayeenka madaxtooyadda Jaamac Dabaraani  oo ka warbixintat safarka, balse ma jirin faahfaahin inta ka badan oo safarka laga bixiyay.

Soo laabashada Madaxweynuhu waxay kusoo aaday iyadoo Puntland isu diyaarisay shirka maalgashiga Puntland oo loo muddeeyay (15-17) September 2019, shirkan oo uu hore ugu dhawaaqay madaxweyne Deni ayaa ah mid indhaha adduunka kusoo jeedinaya Puntland, waxaa ka qeybgeli doona shirkado iyo madax isaga imanaysa waddamo kala duwan.

Muddada uu shirka socda ayaa lagu soo  bandhigi doonaa  fursadaha maalgashi ee ka jira Puntland.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan.com
[email protected]