4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 11, 2019
Askar ka tirsan ciidamada Kenya oo lagu dilay dulleedka degmada Mandheera

 

Arbaco, September, 11, 2019 (HOL)-Weerar mas'uuliyadiisa ay sheegteen Ururka Al-shabaab oo ka dhacay dulleedka degmada Mandheera ee gobolka Waqooyi Barri ayaa lagu waramayaa in lagu dilay tiro ka mid ah askarta ciidamada Kenya.

Wararku waxaa ay sheegayaan in ciidamada la weeraray ay yimaadeen dhinaca deegaanka Ceelraam oo  hoostaga Magalada Mandheera, iyaga  oo ku sii jeeday degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamo  ka tirsan kuwa Kenya kaan mid ah howlgalka AMISOM.

Saraakiil ka tirsan ciidamda Kenya ayaa sheegay in ay iska difaaceen weerarka, hasse ahaatee dad ku sugan degmada Mandheera ayaa warbaahinta u sheegay in dagaal dhaxmaray labada dhinac ay ku dhinteen askar ka tirsan ciidamada Kenya oo aan wali tiradooda la xaqiijin.

Balse Ururka Al-shabaab ayaa war ay ku daabaceen baraha bulshada ku sheegay in ay weerarka ku dileen 9 Askari oo Kenyan ah sidoo kalena uga gubeen ilaa Afar Gaari  wallow warar madax banana oo xaqiijinaya aysan jirin.

Gobolka Waqooyi Barri  Kenya iyo qeybo ka mid ah gobolka Gedo oo ay ku sugan yihiin ciidamada Kenya waxaa inta badan ka dhaca weerarro isugu jira  qaraxyo iyo kuwa toos ah oo lala beegsado Ciidamada  Kenya,waxaana mas’uuliyadooda sheegta Ururka Al-Shabaab.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]