4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 11, 2019
Soomaaliya iyo Masar oo heshiis kala saxiixday

 

Arbaco, September, 11, 2019 (HOL)- Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Soomaaliya Cabdullaahi Cali Xassan iyo wasiirada maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ee dalka Masar, Saxar-Nasar waxaa ay qalinka ku duugeen heshiiska isfahamka maalgashiga wada-jirka ee labada dal.

Heshiiska Istaraatijiyada Iskaashiga Maalgashiga ee Somaaliya iyo Masar waxaa lagu saxiixay magaaladda Qaahira, kaddib markii la soo gebagebeeyey Shir-weynihii labaad ee guddiyada ganacsatada ee labada dal ee ka socday Qaahira.

Munaasabadda saxiixa ee heshiiskaasi waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka ganacsiga iyo Wershadaha dalka Masar, Cumaru Nasaar iyo madax kale.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]