4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 11, 2019
Maxkamadda ICJ oo muddeysay xilliga la xirayo kiiska badda ee Soomaaliya iyo Kenya

Arbaco, September, 11, 2019 (HOL)- Maxkamadda Caddaaladda ee Caalamiga ah ayaa ku dhawaaqday taariikhda xiritaanka dhageysiga dadweynaha ee muranka badda ee u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya.

Bayaan ka soo baxay maxkamadda fadhigeedu yahay Hague ayaa lagu sheegay Arbacadda maanta in dhagaysiga dacwadu inay ku soo idlaan doonto 8 bisha Noofembar ee sannadkan.

Labada dal ayaa heli doona Afar maalmood oo ay dooddooda ku difaacan taasi oo ah inta u dhaxeysa maalinta Isniinta ee 4ta illaa Jimcaha oo ay taariikhdu tahay 8da bisha Noofembar 2019ka.

Fadhiga maxkamadda ayaa ka qabsoomi doona guriga nabadda oo ah dhismaha xeer beegtadan hoogtagta Qaramada Midoobay, kuna yaalla magaalada The Hague ee dalka Holland.

Toddobaadkii hore ayaa dib loo muddeeyay garmaqalkan kaddib codsi ka yimid Kenya oo ku aadan in ay u baahantahay waqti dheeraad ah oo ay ku qorato qareeno cusub oo difaaca doodeeda. Kenya waxay heysta muddo 50 maalmood ah si ay u hesho kooxdeeda cusub ee sharciga.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]