4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 11, 2019
Xildhibaanno taageeray go'aankii Odayaasha dhaqanka ay isku hortaageen qorshe ciidamo looga qaadi lahaa magaalada Beledweyne

 

Arbaco, September, 11, 2019 (HOL)-Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa taageeray go'aan Odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan isku hortaageen ciidamo dowladdu qorsheysay in laga qaado magaalada Beledweyne lana geeyo degmada Dhuusa-Mareeb ee gobolka Galguduud.

Xildhibaan Maxamed Xasan Ibraahim “Qoone” ayaa si kulul uga hadlay  dooda ka dhalatay ciidamo cusub oo dhowaan ka soo baxay tababar  islamarkaana ku sugan magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

'' Waxaa wax lala yaabo ah in xuukuumadu dhageysan weydo baaqa odayasha dhaqanka gobolka oo uu horkacayo Ugaaska, waxaan fileynay in ay dhahdo wixii qaldamay waan saxeynaa..... laakiin ma'aha in leysku dayo in wixii la doono meesha laga fuliyo,.. dalkan waa sax waa Federaal... Laakiin haddii aan ciidamada laga keeni karin, Puntland, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.... ma garanayo sababta kuwan Hirshabeelle jooga meel kasta loo geyn karo'' ayuu yiri xildhbaan Qoono

Wuxuu sheegay in wax laga xumaado tahay dhalinyaro yaryar oo dareys iyo hub toona heysan loogu tilmaamo ciidan loo qaadayo gobol kale, iyadoo dhinaca kale ayuu yiri magaalada Beledweyne 3km meel u jirta ay joogaan Al-shabaab.

''Arrintan cidda soo abuushay ma'aha cid mas'uuliyad Soomaliyeed ma tali karta, waa arin qalad ah, cid kasta oo ku lug lehna waxaa leeyahay ka laabta oo u hogaasama rabitaanka bulshada'' ayuu yiri xildhibaan Qoono.

Xildhibaan Farxiyo  Muumin ayaa sheegtay in gobolka Hiiraan aysan jirin degmo degmo u gubi karta, iyadoo tusaale u soo qaadatay degmada Buula-burte oo mudo dheer go'doon ku jirta, sidaa daraadeed ay filayaan ciidamadan la sheegay in laga qaadayo gobolka ee  ku jira xerada Lama-galaay noqon lahaayeen kuwii Al-shabaab ka xoreyn lahaa sida ay hadalka u dhigtay degmooyinka ay go'doomiyeen.

;;Annaga waxaa u arkeey-nay askartan kuwo loo tababarayo in ay gobolka ka howlgalaan Amnigiisana sugaan, laakiin haddii ahaayeen Askar Federaal loo tababarayay  micno kale ayeey yeelaneysaa, taas ayaaba u baahan in laga wada hadlo,,,, laakiin waxaan u aragnaa in ciidamadan  ay sugaan nabad-galyada gobolka '' ayeey tiri Xildhibaan Farxiya.

Doodda iyo khilaafka ka dhashay ciidamada dowladdu qorsheysatay in loo qaado degmada Dhuusa-Mareeb ayaa u muuqata mid sii xoogeysatay kaddib markii qaar ka mid ah odayaasha Dhaqanku sheegeen arintan keeni karto dhibaato hore leh, kala shaki iyo in ay meesha ka baxdo aaminaadii lagu qabay sida ay hadalka u dhigeen dowladda federaalka.

Ugaas Xassan Ugaas Khaliif oo dhawaan ka hadlay arintan ayaa sheegay in odayaasha dhaqanku xaq u leeyihiin in ay is hortaagaan qorshaha dowladda oo sida uu hadalka u dhigay la doonayo in lagu qaado dhalinyaro yaryar oo aan xitaa hubeysneyn, waxaana uu ugu baaqay dowladda Soomaaliya in sida ugu dhaqsiyaha badan magaalada looga saaro gaadiidka dagaalka iyo ciidamada ka socda qeybta 21aad ee xoogga dalka Soomaaliyeed kuwaa oo ka yimid degmada Dhuusa-Mareeb ee gobolka Galguduud.

Magaalada waxaa ka soconaya kulamo shirar is daba joog ah intooda badan ka dhan ah qorshaha dowladda ee la xiriira ciidamada la sheegay in loo qaadayo gobolka Galguduud.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]