4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 11, 2019
974 Arday oo maanta ka qalinjabiyey jaamacadda Camuud ee magaaladda Boorama

Arbaco, September 11, 2019 (HOL) –974 arday ayaa maanta ka qallinjabiyey jaamacadda Camuud xarunteedda magaalada Boorama ee gobolka Awdal.

Madaxweyne Muuse Biixi iyo wefti uu hogaaminayo oo saaka waaberigii u kalahay ka qaybgalkan qalin jabinta ardaydaasi ayaa kala qaybgallay farxadda iyo hambalyadda jaamacadu ku sagootiyeyso ardaydaasi.

Munaasibadan loogu dabaaldegayo qalinjabinta jaamacda Camuud wax kale oo ka qaybgallay madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, hormuudka Jaamacadda Cammuud Prof. Saleebaan Axmed Guuleed, xubno kamid ah golaha wasiirrada, siyaasiyiin, haldoor, aqoonyahan, madax-dhaqameed, waalidiinta Ardayda qalinjebisay iyo marti-sharaf kale, waxana madasha laga jeediyey hadallo lagu bogaadinayo da’yarta waxbaratay iyo dedaalka ay u galeen horumarinta naftooda.

Hormuudka Jaamacadda Cammuud, Prof. Saleebaan Axmed Guuleed oo ugu horrayn munaasibadda hadal ka jeediyey, ayaa ku dheeraaday marxaladihii kala duwanaa ee ay jaamacaddu soo martay, guulaha ay gaadhay iyo dedaalka naf-hurnimada leh ee ay ardaydani ugu dhabar-adaygeen inay ka midho dhaliyaan hammigii ay lahaayeen, waxana uu ku dhiirrigeliyey inay bulshada ugu faa’iideeyaan cilmiga ay barteen.

Sheekh Maxamed Aadan oo Afka waalidiinta ku hadlay, ayaa isaguna ku bogaadiyey Ardayda qalin-jebisay dedaalka ay sameeyeen, waxana uu ka codsaday inay ka soo celiyaan abaalkii ay waalidiinta iyo macallimiintuba geliyeen muddadii ay waxbarashada ku jireen.

Wasiirka wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, Cismaan Jaamac Aadan, ayaa isaguna dhinaciisa soo dhaweeyey da’yarta cusub ee jaamacadda ka qalin-jebisay, waxana uu tilmaamay inay xukuumad ahaan dedaal badan geliyeen sidii dalku u heli lahaa aqoonyahanno diyaar u ah inay dadkooda u shaqeeyaan.

Madaxweynihii hore ee Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo munaasibadda ka hadlay, ayaa bogaadiyey Ardayda maanta qalin-jebisay, waxana uu xasuusiyey midhaha laga filayo iyo baylahda badan ee hortooda taalla, isaga oo kula dardaarmay inay horumarkooda ka shaqeeyaan.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo isagu kamid ahaa bahdii kasoo Aflaxay Jaamacadda Cammuud, ayaa hambalyo iyo bagaadin u diray Ardayda Qalin-jebisay, waxana uu si gaar ah u bogaadiyey hormuudka gacanta ku haya jaamacadda Hargeysa oo uu ku tilmaamay aqoonyahan soo saaray da’yar maanfuran oo aqoon tayo leh lagu canqariyey.

“Waxan maalmahan farxadda la wadaagi doonaa arday badan oo jaamacado ka qalinjebinaya, waxana aan Kow ka dhigay oo ugu horraysa Jaamacadda Cammuud, waayo waxa aan ka tirsanahay bahda Cammuud.”ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Waxaanu intaas ku daray “Si aynnu horumar u samaynno aqoonyahanka cusub ee aad kamidka tihiin iyo kuwii horeba waa inaynu ku fikirnaa sidee baynnu khilaafaadka u yaraynaa, sidee baa dadkeennu isu aaminaa, sidee baa dadku wuu isku dhacayaaye marka uu is khilaafo loo daaweeyaa,”

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu shahaadooyin guddoonsiiyey tiro kamid ah Ardayda qalin-jebisay oo hormuud ahaa kulliyadaha ay ka baxeen, kuwaas oo ay wejiyadooda ka muuqatay sida ay ugu faraxsan yihiin in uu madaxweynahoodu kala qayb-galo qalinbeintooda.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland