4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 27, 2019
Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Dr Fowsiya : Ma tagin Nairobi mana adeegsan baasaboor Talyaani ah

Isniin, May, 27, 2019 (HOL)–  Wasiirka caafimaadka xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya,Dr Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa beenisay wararka la xiriira in loo diidday dal ku galka Kenya oo ay marka adeegsatay baasaboor kale oo Talyaani ah.

Wasiir Fowsiyo Abiikar , ayaa sheegtay in toddobaadkii hore ay u safartay magaalada Geneva, duulimaadkeedana uu ahaa Muqdisho, Istanbul kaddibna ay toos u tagtay Geneva.

"Warar been abuur ah ayey maalmahaan warbaahinta  qaarkood tebinayeen oo ah in aan ka mid ahaa howlwadeenadii loo diiday in ay galaan dalka Kenya oo aan kadibna isticmaalay baasaboor talyaani ah. Waxaan si toos ah uga soo raacday magaaladda Muqdisho diyaaradda Turkish Airlines, waxaana dayaaradda ka beddeshay magaalada  Istanbal, si toos ahna u tagay magaalada Geneva. " ayeey tiri wasiiradda oo la soo xiriirtay Hiiraan Online.
 
Wasiiradda ayaa kula talisay warbaahinta Soomaalida in ay wax hubsadaan inta aysan bulshada u gudbin warar been abuur ah oo marar qarkoodna siyaasadeysan.

Warka ka soo baxay wasiirka caafimaadka ayaa ku soo aadday xilli toddobaadkii hore warbaahinta gudaha iyo baraha bulshada la iskula wadaagay in wasiir Fowsiyo Abiikar ay ka mid ahayd mas'uuliyiin loo diidday dal ku galka Kenya , kaddibna markii dambe ay adeegsatay baasaboor kale oo Talyaani ah, wallow arrinta ay hadda si cad u beenisay.

Balse, waxaa dhab ah dowladda Kenya inay dib usoo celisay mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo loo diidday dal ku galka Kenya,iyadoo waaxda socdalka ee dalkaas la sheegay inay ku amartay madaxda dowladda inay fiisaha ka soo qaataan safaaradda Kenya ee ku taalla caasimadda Muqdisho.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]