4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 27, 2019
Safiya Xassan Sheekh Cali Jimcaale oo loo magacaabay Duqa degmada Beledweyne

 

Isniin, May, 27, 2019 (HOL)– Qoraal ka soo baxay Wasaarradda Arrimaha Gudaha maamulka Hirshabeelle ayaa lagu magacaabay in ay noqoto Duqa degmada Beledweyne Safiyo Xassan Sheekh Cali Jimcaale.

Agaasimaha Warfaafinta maamulka Hirshabeelle Maxamed Xassan Kulmiye ayaa Hiiraan Online u xaqiijiyay magacaabista Duqa magaalada Beledweyne oo maalmihii ugu danbeeyay siweyn looga hadal hayay magaalada Beledweyne.

Safiye Xassan Sheekh Cali Jimcaale oo horay u soo noqtay guddoomiyihii degmada Shibis ee gobolka Banaadir ayaa noqoneysa haweeneydii ugu horeysay ee Duq magaalo ka noqota gobolka Hiiraan, waxaana ay xilka ka badali doontaa Khadar Xassan Afrax.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]