4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 27, 2019
Wasiirka Waxbarashada oo kormeeray goobihii Imtixaannadka uu maanta ka billowday


Isniin, May 27, 2019 (HOL)-  Wasiirka waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullaahi Goodaax Barre ayaa maanta kormeer ku tagay inta badan goobaha uu ka dhacayo imtixaan shahaadiga ah ee dugsiga sare ee maanta ka biloowday dalka.

Wasiir Cabdulaahi Goodax Barre ayaa waxa kormeerka ku wehlinayay Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada iyo guddoomiye ku xigeynka dhanka arrimaha bulshada gobalka Banaadir Basmo Caamir iyo xubno kale oo ka socday wasaaradda waxbarashada iyo maamulka gobalka Banaadir.

Wasiirka waxbarashada iyo xubnihii la socday ayaa kormeerka ka billaabay Jaamacadda Ummadda qeybaheeda ay ka koobantahay gobalka Banaadir ee imtixaanku ka socday iyo iskuulka almacaarif oo ay ku sugnaayeen arday araga aan wax ka arag iyo xarumo kale oo dhamaantod ku yaala gobalka Banaadir.

Wasiirka waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ,Cabdullaahi Goodax Barre ayaa kormeerka kadib waxa uu ka hadlay habka imtixaanka uu ku biloowday.

"Maanta waxaan kormeer ku tagay qaar ka mid ah iskullada ku yaalla magaalada Muqdisho oo maanta uu si rasmi ah uga billowday imtixaanka shahaadiga ee dugsiyada sare ee dalka...Imtixaankan waxaa u fadhistay soddon iyo kow kun iyo shan boqol oo ardey oo ku kala sugan gobolka Banaadir iyo gobollada dalka."

"Waxaan la kulmay saraakiil ka tirsan ciidammada booliska Soomaaliyeed oo runtii kaalin muhiim ah ka qaatay habsami u socodka imtixaanka waxaan la kulmay shaqo aad u qurux badan iyo ardey firfircoon oo raba in aqoontooda iyo garaadkooda iyo dadaalkoodii labo iyo tobanka sano ay soo wadeen in ay muujiyaan.Waxaan la kulmay ardey ka turjumeysa in ay guri wanaagsan iyo waalid wanaagsan ay ka soo dhax tooseen ...Dhammaan ardeyda waxay noo sheegeen inay ku faraxsan yihiin inay markale galan imtixaanka iyaggoo nagu tageeray qaabkii aan u joojinay imtixaankii hore mar hadii uu fashilmay sababtuna ay tahay in ardagu waxa uu shaqeystay uu ku meel maro midka aan shaqeysana islamarkaan doonaya in uu iibsado uusan ka buunda sarey ardeyga dadaalaya." ayuu yiri wasiir Goodax.

"Waxaa jira dad rabo in mustaqbalka carruurta Soomaaliyeed in ay siyaasadeeyaan waxa ay qeyb ka yihiin kuwa cuuryaaminaayo mustaqbalka carruurta Soomaaliyeed waa in meel looga soo wada jeestaa.Ardaydii aan maanta aan soo arkay ee imtixaanka u fadhistay waxa ku jiray qaar araga la kuwo lugaha ka jabay hadana imtixaanka diyaar u ah waxaa ku jiray gabdho umulo ah runtii intaba waxa ay u dadaalayaan sidii ay hourmar u gaari lahayeen.Dhammaan ardeyda Soomaaliyeed waxaan u rajeynaa guul iyo horumar." ayuu raaciyay wasiirka.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]