4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 27, 2019
Guddoomiyaha cusub ee gobolka Mudug oo ballanqaad sameeyay

Isniin, May, 27, 2019 (HOL) – Guddoomiyaha dhowaan la magacaabay ee gobolka Mudug, Axmed Muuse Nuur ayaa sheegay inuu u horseedayo gobolka Mudug isbeddel horumar deegaan iyo bulsho, isagoo marka wada-shaqeyn ka dalbaday shacabka gobolka.

Axmed Muuse , oo xilal kala duwan ka soo qabtay gobolka horeyna usoo noqday guddoomiye ku-xigeenka gobolka iyo la-taliye madaxweyne ayaa hadda sheegay inuu ugu horreynba shaqadiisa ka billaabi doono la-dagaallanka musuqmaasuqa.

"Waxaan si weyn ula diriri doonaa cudurka aafadda ah ee musuqa iyo amni la 'aanta anagoo dhammaan daahfuri doona oo caddayn doona siyaasada maamulka isla markaasna cid walba oo wada-shaqayn naga dhaxeysana ula shaqeyn doona sida sharcigu qabo waa faqsana dastuurka Puntland." ayuu yiri Axmed Muuse.

Wuxuu usoo jeediyay hay'adaha gobolka ka howlgalla iyo bulshada inay si dhow ula shaqeeyaan maamulka cusub ee gobolka.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni ayaa xilka guddoomiyaha maalin ka hor u magacaabay Axmed Muuse Nuur oo ay la shaqeyn doonaan labo ku-xigeen.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]