4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 27, 2019
Wiil Soomaali ah oo ka mid noqday Baarlamaanka midowga Yurub

 

Isniin, May, 27, 2019 (HOL) - Maajid Maajid oo ah Soomaali marna soo noqday Duqa Magalada Sheffield ee dalka Britain ayaa loo doortay in uu ka mid noqdo Xubnaha Baarlamaanka Midowga Yurub taas oo ay soo dhaweeyeen dad isugu jira Soomaali iyo Ajnabi.

Wiilkan Soomaaliga ayaa horay taariikh uga sameeyay dalka Britain,kadib markii uu diiday in Madaxweynaha Mareykanka uu soo booqdo magaalada uu Duqa ka ahaa ee Sheffield ee dalka Britain,waxaana xilligaas uu ahaa Duqa maagaalo ee ugu da’da yar dalka Britain.

Markii uu soo baxay warka ku saabsan guushiisa ayuu barta uu ku leeyahay twitter-ka soo dhigay qoraal uu ugu mahad celinayo dadkii ka qeyb qaatay doorashadiisa ee suurtageliyay in uu ka mid noqdo Baarlamaanka Midowga Yurub.

Maajid ayaa Ingiriiska tagay isagoo shan sano jira ka dib markii isaga iyo qoyskiisu ay ka qaxeen magaalada Burco ee deegaanada  Soomaaliland,waxaana uu ka mid yahay siyaasiyiinta aadka u neceb, islamarkaana dhaleeceeya Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]