4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 27, 2019
Wasiir Goodax oo ku goodiyay in saacad waliba ay jari karaan Internetka haddii loo baahdo

 

Isniin, May, 27, 2019 (HOL)-Wasiirka Wasaarradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in ay joojin karaan internetka guud ahaan Soomaaliya saacad kasta haddii loo baahdo.

Wasiirka oo maanta Daah furay Imtixaanka Shahaadiga ayaa sheegay in maxkamada sare ee dalka u xukuntay codsi ay u direen oo ah in ay joojin karaan Internetka haddii uu soo baxo shaki la xiriira Imtixaannaadka socda.

“Wasaaradda waxay Maxkamada sare ee wadanka u qoratay arji ay ku  codsaneyso Social media-yaha in la xakameeyo watqiga Imtixaanka hadii  ay baahi timaado, waa hadey baahi timaado, Maxkamada xukunkaasi wey noo riday mahad haka gaadho maxkamada  iyo Garyaqaanka Guud oo dowladda ku metelay dacwadaas” ayuu yiri Wasiir  Goodax.

Wasiir Goodax ayaa horay u sheegay in guud ahaanba la joojin doono isticmaalka baraha bulshada marka ay furmaan Imtixaannaadka Shahaadiga, waxaana muuqata in wasiirku uu dib uga laabtay go'aankiisii hore ee ahaan uusan dalka ka jirin doonin wax Internet ah maalmaha lagu guda jiro qaadista Imtixaanka.

Dad badan ayaa markii horeba su'aal ka keenay awood ilaa xad ay dowladdu u leedahay in ay joojiso Internetka madaama ay gacanta ku hayaan shirkaddo madax-bannaan 

31,500 Ardey oo wax ka barata Dugsiyada sare ee ku yaala Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa maanta u fariisatay Imtixaanka dowladda oo fashilmay intii u dhexeysay 10-ka ilaa 13-ka bishan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]